HomeWararWasiirkii hore ee Batroolka ee Somalia oo dusha laga saaray Fadeexadda Lacageed...

Wasiirkii hore ee Batroolka ee Somalia oo dusha laga saaray Fadeexadda Lacageed ee Shirkadda Soma Oil and Gas

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard ayaa soo bandhigay Nuqulka qoraal la sheegay inuu Wasiirkii Batroolka ee Somalia ku codsaday in la siiyo Taageero Dhaqaale sannadkii hore, taasi oo sababtay inuu Michael Howard bartanka ka galo Fadeexadda Taagan. Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa magaalladda London ayaa  qoray inay arkeen nuqul […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard ayaa soo bandhigay Nuqulka qoraal la sheegay inuu Wasiirkii Batroolka ee Somalia ku codsaday in la siiyo Taageero Dhaqaale sannadkii hore, taasi oo sababtay inuu Michael Howard bartanka ka galo Fadeexadda Taagan.

Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa magaalladda London ayaa  qoray inay arkeen nuqul ka mid ah Qoraalkaasi uu soo diray Wasiirkii Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Somalia, iyad oo ay Warqadaasi ku taariikheysnayd bishii March ee sannadkii 2014-kii.

- Advertisement -

Warbixinta Guddiga QM ee Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu xusay  jiritaanka qoraalkaasi oo Shirkadda Soma Oil and Gas looga codsaday  taageeradda dhaqaale oo lagu fulinayey dayactirka Xafiisyo, Mushaaraad iyo Kharajka La-talinta

Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyska The Financial Times ku muujiyey inuu saxiixay Qoraalkaasi si uu Heshiiska u sii socdo, wuxuuna sabab uga dhigay Doorka Dowladda Britain ee taageeridda Dowladda Somalia.

Warbixin ay Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Somalia iyo Eritrea soo saareen bishan August 3-dii, waxay ku sheegeen inay Shirkadda Soma Oil and Gas siiyeen Saraakiil ka tirsa Wasaaradda Batroolka Somalia lacag dhan 360,000 oo Dollar, oo ay Shirkaddu u bixisay si ay ugu guuleysato Qandaraaska Shidaalka iyo Gaaska looga baarayo Xeebaha Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

- Advertisement -

Dowladda Federalka iyo Shirkadda Soma Oil and Gas waxay Bishii August ee sannadkii 2013-kii kala saxiixdeen Heshiiskaasi oo Shirkadda xuquuq u siinayo sahminta iyo soo-saarka  Shidaalka iyo Gaaska  Dabiiciga ee Xeebaha Somalia

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard waxa uu horey uga qeyb galay Shirweynihii Caalamiga ee Maalgashiga Somalia oo bishii May ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda London, kana qeyb galay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud.

Xigasho: FT

Latest stories