HomeWararBoliska Kenya oo gacanta ku dhigay labo qof oo ku soo jeeday...

Boliska Kenya oo gacanta ku dhigay labo qof oo ku soo jeeday Somalia si ay ugu biiraan Alshabaab

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Boliska Kenya ayaa sheegay inay su’aalo weydiinayaan Labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay doonayeen inay ku biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab. Wargeyska Coastweek ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in ay Boliska La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ay qabteen labadasi qof xilli ay ku sugnaayeen Deegaanka Madogo ee Gobalka Xeebta, oo ku-dhawaad 3 KM u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska Kenya ayaa sheegay inay su’aalo weydiinayaan Labo qof oo lagu tuhunsan yahay inay doonayeen inay ku biiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Wargeyska Coastweek ee ka soo baxa Kenya ayaa qoray in ay Boliska La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda ay qabteen labadasi qof xilli ay ku sugnaayeen Deegaanka Madogo ee Gobalka Xeebta, oo ku-dhawaad 3 KM u jirta Degmadda Garissa.

- Advertisement -

Haweeney Kenyan ah magaceeda lagu sheegay Zakariyad Omwenga, laguna naanayso Salma iyo nin lagu magacaabo Abdi Hussien Ali, laguna naanayso Blacky ayey Boliska qabteen.

Sarkaal sare oo ka tirsan Boliska kuna sugan Degmadda Garissa ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee XINHUA inay ka shakiyeen Haweeneyda oo laga soo wacay magaalladda  Mombasa, iyada oo ku  sii jeeday inay u gudubto Somalia.

Sarkaalku waxa uu sheegay inay Warbixin ka heleen Boliska Mombasa, si loo qabto Haweeneydaasi, oo ay Boliska jidka u galeen, xilli ay doonaysay inay u gudubto xuduudka Somalia.

- Advertisement -

Labada Eedeysane ayaa la soo taagay Maxkamadda Degmadda Garissa iyadoo la sheegay in Haweeneyda la doonayey in loo tahriibiyo Somalia, si uu u guursado Dagaalyahan ka tirsan Alshabaab, waa sida laga soo xigtay Maxkamadda.

Dhinaca kale, Maxkamadda Garissa waxay oggolaatay codsi ay Boliska ku doonayaan in la siiyo muddo hal isbuuc ah si ay u dhamaystiraan baaritaanka Labada Eedeysane, ka hor intaysan Maxkamadda dib u dhegeysanin Kiiskooda.

Boliska waxay sheegeen inay baadi-goobayaan Nin kale oo isagana raad ku leh Haweeneyda loo soo kaxayn lahaa gudaha Somalia, kaasi oo Boliska ka baxsaday.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts