HomeWararYaa leh mas’uuliyadda Xalka Jubbooyinka iyo Gedo, ma Dowladda Federalka mise Urur-gobaleedka...

Yaa leh mas’uuliyadda Xalka Jubbooyinka iyo Gedo, ma Dowladda Federalka mise Urur-gobaleedka IGAD ?

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Hab-dhaqanka Dowladda Federalka Somalia waxay mararka qaarkood u muuqdaan kuwo sidii Dowladihii KMG u garba-duuban, isla markaana ay Hay’addo ama Dowlad kale qabanayaan Shaqooyinka Ummadda ee Dowladda Federalka loo idmaday. Garba-duubkii u dambeeyey ayaana ah Hawl-qabadkii Dowladaha deriska ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD oo iyagu gogol nabadeed ku dhigay gudaha Somalia, gaar ahaan Degmadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hab-dhaqanka Dowladda Federalka Somalia waxay mararka qaarkood u muuqdaan kuwo sidii Dowladihii KMG u garba-duuban, isla markaana ay Hay’addo ama Dowlad kale qabanayaan Shaqooyinka Ummadda ee Dowladda Federalka loo idmaday.

Garba-duubkii u dambeeyey ayaana ah Hawl-qabadkii Dowladaha deriska ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD oo iyagu gogol nabadeed ku dhigay gudaha Somalia, gaar ahaan Degmadda Dolow Somalia,  iyagoo aan Dowladda Somalia kala tashanin Gogoshii lagu heshiisiiyey Maamulka KMG ee Jubba (IJA) iyo Madaxda Gobalka Gedo ee nidaam ahaan ayidsan Dowladda Federalka.

- Advertisement -

Siyaasiyiinta madaxa bannaan ayaa rumeysan in Heshiiskaasi laga  ahaa Siyaasad dhagareed, waxaana taasi u daliil ah sida Taatikada Khiyaanadda ee IGAD iyo Maamulka Jubbooyinka saxiixa uga qaateen Guddoomiyaha Gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil, kadibna uu Hoggaamiyaha Maamulka KMG Jubbooyinka, Axmed Madoobe ka shaaciyey Madasha ay Wakiiladda IGAD joogeen inuu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobalka Gedo.

Waa hubaal in uu Axmed Madoobe oo xilligiisa dhamaad joogo ayaa lagu wadaa inuu dhawaan isku soo taago Doorasho, iyadoo aysan Dowladda Federalka wax gacan Maamul ah ku lahayn Doorashadda Madaxtinimadda ee ka dhici doonta magaalladda Kismaayo.

Doorashadda Degdegga ee uu Axmede Madoobe ku doonayo si isaga mar kale lagu soo doorto iyo Xil-qaadista Guddoomiyaha Gedo ayaana ah Su’aal Siyaasadeed jawaabteeda laga dhowrayo Dowladda Federalka oo iyadu u muuqata Dowlad aan Feejignayn.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta Dowladda Federalka waxay ka gaabsadeen  inay ka hadlaan Faragelinta IGAD, Shirkii Doolow, Maamul-u-samaynta Jubbooyinka iyo Awoodda Axmed Madaoobe ee Xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Gobalka Gedo ee Maamulka Dowladda Federalka oo laga dareemayo  quursi Siyaasadeed iyo mid lagu liidayo Awoodda Dowladda Federalka.

Waa hubaal inay Urur-gobaleedka IGAD gacmaha kala bixi doonin Arrimaha Jubbooyinka, iyadoo la og yahay inay  marti-geliyeen Shirkii Addis Abeba ee lagu soo yegleelay Maamulka KMG ee Jubba (IJA).

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka ayaa la habboon inay si cad u muujiyaan Bareerahooda ku aadan Faragelinta IGAD ee Arrimaha Dakhliga  iyo Doorashadda la dedejinayo ee lagu dooran doono Maamul-gobaleedka Jubba, iyadoo la og yahay inay jiraan cabashooyin ay muujinayaan inta badan Beelaha wada degga Jubbooyinka.

Haddii ay Dowladda Federalka ka sii aamusnaato arrimahaasi taagan waxay xaajaddu la micno noqon kartaa  Murtidii  hooriskeedu ahaa Awood baan jirin xaggeyga, Afkii baa juuqda gabay.

 

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts