HomeWararUrurka Midowga Afrika oo gaashaanka ku dhuftay in Ciiddanka Kenya laga daad-gureeyo...

Ururka Midowga Afrika oo gaashaanka ku dhuftay in Ciiddanka Kenya laga daad-gureeyo gudaha Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Dr. Maman Sidikou ayaa sheegay inay Ciiddanka Kenya qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM, waxayna door ballaaran ka qaateen La-dagaalanka Alshabaab iyo inay kala wareegaan deegaano ballaaran. ‘Ciiddanka Kenya iyo kuwa kale ee ka yimid dalalka kale, waxay door kaqaataan Deganaanshaha iyo soo-celinta Nabadda […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Dr. Maman Sidikou ayaa sheegay inay Ciiddanka Kenya qeyb ka yihiin Hawlgalka AMISOM, waxayna door ballaaran ka qaateen La-dagaalanka Alshabaab iyo inay kala wareegaan deegaano ballaaran.

‘Ciiddanka Kenya iyo kuwa kale ee ka yimid dalalka kale, waxay door kaqaataan Deganaanshaha iyo soo-celinta Nabadda ee Somali oo faa’ido u wada leh Somalia iyo guud ahaan Afrika’ ayuu yiri Dr. Maman Sidikou.

- Advertisement -

Waxa uu tilmaamay inay qalad noqon doonto haddii ay Ciiddamadda Afrikaanka isaga huleelaan  dalka Somalia ka hor intaan loo itaal sheeganin Al-shabaab, lana soo celinin Nabadda Somalia, waa sida uu hadlka u yiri.

Dhinacakale, Waxa uu Beesha Caalamka ugu baaqay iny Qqalab ku taageeraan Ciiddanka Qaranka Somalia, isagoo xusay inay ciiddamo aad u qalabaysan muhiim u yihiin Deganaasnahah Somalia, isla marka ay Ciiddanka AMISOM  ka baxaan dalka Somalia.

Hadalka Ergayga Gaarka ee Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Dr. Maman Sidikou ayaa  waxa uu ku soo beegmayaa  iyadoo ay Isbahaysiga Mucaaradka Kenya codsadeen in Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka Somalia dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo,si ay wax uga qabtaan Hawlgalladda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyaan gudaha Kenya.

- Advertisement -

 © Radio Dalsan

 

Latest stories