HomeWararJarmalka Oo Beeniyay In Ninkii Isku Qarxiyay Hotelka Jazeera Uu Heysto Dhalashada...

Jarmalka Oo Beeniyay In Ninkii Isku Qarxiyay Hotelka Jazeera Uu Heysto Dhalashada Dalkaasi

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inuusan Ninkii geystay Qaraxaasi oo lagu magacaabi jirey C/risaaq Muuse Buux aanu ahayn Muwaadin haysta Dhalashada Jarmalka. Ciiddanka Ammaanka ee dalka Jarmalka ayaa la sheegay inay Ninkaasi sannadkii 2009-kii ka hor-joogsadeen inuu ka ambabaxo dalkaasi, oo lagu tuhunsanaa inuu ku biiri doono Kooxaha Islaamiyiinta. Ninkaasi oo ku noolaa magaalladda Boon ee […]

- Advertisement -

Dowladda Jarmalka ayaa sheegtay inuusan Ninkii geystay Qaraxaasi oo lagu magacaabi jirey C/risaaq Muuse Buux aanu ahayn Muwaadin haysta Dhalashada Jarmalka.

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Jarmalka ayaa la sheegay inay Ninkaasi sannadkii 2009-kii ka hor-joogsadeen inuu ka ambabaxo dalkaasi, oo lagu tuhunsanaa inuu ku biiri doono Kooxaha Islaamiyiinta.

- Advertisement -

Ninkaasi oo ku noolaa magaalladda Boon ee dalka Jarmalka, ayaa la sheegay inuu ku guuleystay inuu dalka Jarmalka ka soo dhoofo sannadkii 2012-kii, wuxuuna yimid Masar oo uu kaga soo gudbay Somalia.

Ilo dhinaca ammaanka ayaa sheegay inuu C/risaaq Muuse Buux ku dhashay caasimadda dalka Libya ee Tripoli sannadkii 1885-kii, isla markaana uu haystay Baasabooradda Soomaaliga iyo Liibiyaanka.

Wargeyska Die Welt ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray inuu C/risaaq Muuse Buux ku biiray Alshabaab, isla markaana uu geystay Is-qarxintii Hotel Jazeera ee magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Hay’adda Sirdoonka Gudaha Jarmalka ee BfV ayaa sheegtay in ku-dhawaad 720 qof oo haysta Dhalashada dalkaasi ku biireen Kooxaha Jihaadistayaasha, gaar ahaan Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.

Latest stories