HomeWararDiyaaradaha Rakaabka ee u kala goosha Somalia iyo Kenya oo cabsi darteed...

Diyaaradaha Rakaabka ee u kala goosha Somalia iyo Kenya oo cabsi darteed loo hakin doono

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Kenya, Manoah Esipisu ayaa sheegay in la joojin doono Duullimaadyadda Diyaaradaha ku soo dega Garoomadda Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta iyo Wilson Airport ee magaalladda Nairobi. Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Kenya waxa uu intaasi ku daray inay Xayiraadaasi bilaaban doonta  marka uu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama booqashadda ku yimaado Nairobi bishan 25-da. Waxayna xayiraadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Kenya, Manoah Esipisu ayaa sheegay in la joojin doono Duullimaadyadda Diyaaradaha ku soo dega Garoomadda Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta iyo Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Afhayeenka Aqalka Madaxtooyada Kenya waxa uu intaasi ku daray inay Xayiraadaasi bilaaban doonta  marka uu Madaxweynaha Maraykanka, Barack Obama booqashadda ku yimaado Nairobi bishan 25-da.

- Advertisement -

Waxayna xayiraadda socon doontaa  tan iyo marka ay Wafdiga Madaxweyne Obama ka ambabaxi doonaan Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya ayaa waxay horey u soo saartay amar lagu joojinayo dhamaan Diyaaradaha Rakaabka ee ay isaga kala goosha magaalladda Nairobi iyo dalka Somalia, sababo lagu sheegay cabsi laga qabo in Diyaaradaha loo adeegsado Weerar Is-qarxin oo la mid ah weerarkii ay Dagaalamayaal ka tirsan Ururka  Alqaacida bishii Sept 11-dii ee sannadkii 2001-dii ku qaadeen dalka Maraykanka.

Hay’addaha Sirdoonka iyo Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay heleen xog Loo-qaateen ah oo lagu sheegay inay suurtogal tahay inay Dagaalamayaasha Alshabaab u adeegsadaan Diyaarado weeraro ay ku qaadaan bartilmaameedyo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Kenya.

- Advertisement -

Dagaalamayaasha shisheeyaha ee ka tirsan Alshabaab ayaa la sheegay inay ku jiraan Duuliyayaal kaxeyn kara Diyaaradaha.

Dhinaca kale, Diyaaradaha Dagaalka ee Maraykanka ayaa la sheegay inay maamuli doonaan Hawada Kenya muddada uu Madaxweyne Obama booqanayo dalkaasi.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts