HomeWararShirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta iyo Xawaaladaha Somalia oo ka...

Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Maalgashiga Horumarinta iyo Xawaaladaha Somalia oo ka furmay Addis Abeba

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ka furmaya magaalada Addis Ababa. Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgaley furitaanka Shirweynaha 3aad ee Caalamiga ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Maalgashiga Mashaariicda Horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen Hoggaamiyeyaasha caalamka , wakiilo ka socda dowladaha, hay’adaha caalamiga ee dhinaca maaliyadda iyo ganacsiga, ayaa waxaa si rasmi ah u furey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban Ki Moon.

- Advertisement -

Waxaa shirkan diiradda lagu saarayaa qaabka loo tayeyn karo maalgashiga ku baxa dhinaca horumarinta, iskaashiga dhaqaalaha caalamiga iyo in la sameeyo qaab looga hortago falalka canshuuraha lala goosto oo saameyn weyn ku yeesha dalalka soo koraya.

Waxaa kale oo shirkan caalamiga ah looga doodi doonaa horumarinta adeegyada canshuur uruurinta ee caalamka iyo xakameynta lacagaha sida sharcidarrada ah la isugu gudbiyo caalamka oo dhan.

Waddamada Afrika ee shirka ka qeybgalaya ayaa dalban doona qaabab cusub oo lagu horumarin karo dhaqaalahooda.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Shirkasi, isla markaana uu kulamo la qaato Madaxda ka qeyb galayso Shirkaasi.

Afhayeenka Madaxtooyadda,

Daud Aweys,

Addis Abebab, Ethiopia

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts