HomeWararShisheeye ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab oo ka baxsaday Xabsi ku yaalla Kenya

Shisheeye ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab oo ka baxsaday Xabsi ku yaalla Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaaciyey in ugu yaraan labo Jihadistayaal u dhalatay dalka Britain, kana tirsanaa Alshabaab ka baxsadeen Xabsiga Bungoma ee Kenya.

Maxaabiistaasi ayaa ka mid ahaa shan maxbuus oo siyaabo kala duwan uga baxsadeen Xabsigaasi.

Sarkaal-Fuliyaha Xabsiga Bungoma, Henry Ochieng ayaa sheegay in labo ka mid ah Maxaabiista ahaayeen Dembiilayaal waa weyn, halka Saddexda kale ee Ajaaniibta ah loo haysto inay si sharci-darro ah ku joogeen Kenya.

Sarkaal kale oo ka hawlgala Xabsiga Bungoma ayaa sheegay inay Labada maxbuus ee Brtishka lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Alshabaab,wuxuuna tilmaamay in baxsadkooda lala xiriirin karo musuqa  Maamulka Sare ee Xabsiga.

Sarkaalkaasi oo magaciisa qariyey ayaa sheegay  inay qaar ka mid ah Maxaabiista caadiyaan laaluush siiyaan Saraakiisha sarsare si loogu sameeyo macaamiltan gaar ah.

Ma kala cadda Maxaabiista Britishka inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab ee ka qeyb qaatay weeraraddii ka dhacay dalkaasi iyo in kale.

Baaritaanno xooggan ayaa la bilaabay oo lagu raadinayo Maxaabiista ka baxsatay XabsigaBungoma.

Xigasho:-  Daily Nation

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories