HomeWararSocdaalka Obama ee Kenya oo la sheegay inaysan Alshabaab carqaladeyn karin

Socdaalka Obama ee Kenya oo la sheegay inaysan Alshabaab carqaladeyn karin

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, Josh Earnest ayaa sheegay inaysan jirin wax isbedel ah oo ku yimid booqashadda uu Madaxweyne Barack Obama bishan 25-da ku tegi doono dalka Kenya, iyadoo la hadal hayo inay weeraraddii Alshabaab dhawaan ka geysteen Mandera ay isbedel ku keenayso booqashadaasi. Josh Earnest waxa uu sheegay inay Maraykanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, Josh Earnest ayaa sheegay inaysan jirin wax isbedel ah oo ku yimid booqashadda uu Madaxweyne Barack Obama bishan 25-da ku tegi doono dalka Kenya, iyadoo la hadal hayo inay weeraraddii Alshabaab dhawaan ka geysteen Mandera ay isbedel ku keenayso booqashadaasi.

Josh Earnest waxa uu sheegay inay Maraykanka ku taageerayaan Kenya dadaalka ay kula dagaalamayaan Alshabaab, wuxuuna carrabka ku dhuftay in weerarkii Alshabaab dhawaan ka geysteen Mandera uusan sabab u noqon karin in la bedelo jadwalka safarka Obama ku tegayo Kenya.

- Advertisement -

“Maraykanka waxay sii wadayaan Taageeradda dadaalka La-dagaalanka Argagixisadda. Alshabaab waxay khatar ku yihiin Ammaanka Kenya iyo Ammaanka guud ee Qaaradda Afrika” ayuu yiri Xoghayaha Saxaafadda ee Aqalka Cad ee dalka Maraykanka, Josh Earnest.

Madaxweyne Barack Obama ayaa la filayaa inuu bishan July 25-da booqasho ku tego Kenya, isagoo kulamo la qaadan doono dhigiisa dalkaasi, Uhuru Kenyaatta, kana qeyb geli doono Shirweynaha 6-aad ee Ganaacsiga xorta ee Caalamiga.

Xigasho: The Star

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts