HomeWararMaamulka Puntland oo lagu tilmaamayo Qas-wadayaasha cusub ee Somalia

Maamulka Puntland oo lagu tilmaamayo Qas-wadayaasha cusub ee Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas iyo Maamulkiisa ayaa waxay ku sifoobayaan Qaran Dumis, Qas-wadayaal iyo Hurin Colaado Siyaasadeed iyo kuwo sokeeye. Sifaha noocaasi ayaana waxay ku muteysteen qaabka gurracan ee ay Ummadda Reer Puntland ugu hoggaaminayaan, iyadoo la og yahay inaaan xilligan loo baahnayn Hoggaamiyayaal Maamuleedyo u hamuun qaba inay Ummadda dib ugu celiyaan Waayihii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Gaas iyo Maamulkiisa ayaa waxay ku sifoobayaan Qaran Dumis, Qas-wadayaal iyo Hurin Colaado Siyaasadeed iyo kuwo sokeeye.

Sifaha noocaasi ayaana waxay ku muteysteen qaabka gurracan ee ay Ummadda Reer Puntland ugu hoggaaminayaan, iyadoo la og yahay inaaan xilligan loo baahnayn Hoggaamiyayaal Maamuleedyo u hamuun qaba inay Ummadda dib ugu celiyaan Waayihii Colaadeed ee laga soo gudbay.

- Advertisement -

Madaxda Maamulkaasi waxay u muuqdaan inay yihiin kuwo aan cashar ku qaadanin natiijooyinkii laga dhaxlay Khilaafyadda Siyaasadeed iyo qaabkii ay u dhaqmi jireen Hoggaamiye-kooxeedyadii hubeysnaa ee Somalia.

Sooyaalka Taariikhda ayaana quusiyey Hoggaamiye-kooxeedyaddii hore iyo Shaqsiyaadkii caqabadda ku ahaan jirey Dhismaha Dowladnimo iyo Ammaanka Guud ee Qaranka, kuwaasi oo shiiqay, kadib, markii ay  sannooyin badan  ku amar-ku-taakleeyeen jireen cududa Maleeshiyo-beeleedkii hubeysnaa.

Xilligan oo ay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan diiftii colaadaha iyo dib-u-dhicii Labaatameeyadda sanno ee Mustaqbalkii Dowladnimo ayaa waxaa arrin lala anfariiro ah Hab-dhaqanka Madaxda Puntland oo iyagu haatan u muuqda Hoggaamiye-kooxeedyo cusub.

- Advertisement -

Waa Ficil mas’uuliyad-darro ah in loo ololeeyo in khatar siyasadeed iyo mid amni loo horseedo Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo miyir siyaasadeed lagu xalin karo Khilaafyadda iyo saluugyadda taagan.

Maamul-gobaleedka Puntland oo soo shaqeynayey muddo  17 sanno, ayaa waxay Madaxdii isaga kala dambaysay ahaayeen kuwo Waddaniyiin ah oo kaa xishoon jirey Hab-dhaqanka uu Madaxweyne Gaas haatan ku hoggaaminayo Maamulkiisa.

Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka Puntland, ahaana Madaxweynihii DKMGS, Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu culayska saaray sidii Deganaansho Siyaasadeed iyo mid Nabadeed loo heli lahaa.

Allaha U Naxariistee Marxuum C/llaahi Yuusuf oo ahaa Waddani dhab ah ayaa marnaba oggolaan jirin in Ummadda Puntland loo horseedo dagaallo ama colaado-deegaameed, waxayna isaga iyo Marxuum Jeneral Caydiid qalinka ku duugeen Nabadda lagu caano-maalay ee Goballadda Dhexe.

Laakiinse, Nabadaasi la doogsanayo ayaa waxay haatan u muuqataa inuu Madaxweynaha Puntland doonayo inuu carqaladeeyo, sida laga dheehan karo hab-dhaqankiisa.

Madaxweynihii hore ee Galmdug, Jeneral Cabdi Qeybdiid oo dhawaan hadlay ayaa ugu baaqay dadka Reer Puntland inaysan Madaxweyne Gaas ku raacin aragtidiisa qaldan, wuxuuna Farriintiisa ku sheegay inuu Gaas yahay nin uu maanka ka tegay.

Si kastaba ha ahaatee, marka aynu isku soo xeerino xaalladda taagan waxaa hubaal ah inay Maamulka Puntland yihiin Qas-wadayaasha cusub ee Somalia, oo caqabad ku noqon kara Deganaansahaha Siyaasadeed ee dalka, Nidaamka Federalka iyo dhismaha Maamul-u-gobaleedyadda iyo Danaha Qaranka.

© Radio Dalsan

Latest stories