HomeWararMadaxweynaha: ‘’Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee...

Madaxweynaha: ‘’Waan soo dhoweynayaa dib u soo nooleynta xiriirkii taariikhiga ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India’’

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wafdi uu horkacayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India General Vijay Kumar Singh. Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India, kaas oo yara hakadey dagaalladii sokeeye ee waddanka ka dhacay awgood. […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku qaabiley Wafdi uu horkacayo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India General Vijay Kumar Singh.

Madaxweynaha iyo wasiirka ayaa ka wadahadley xoojinta xiriirkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Soomaaliya iyo India, kaas oo yara hakadey dagaalladii sokeeye ee waddanka ka dhacay awgood.

- Advertisement -

“Soomaaliya iyo India waxay muddo dheer ahaayeen laba dal oo aad isugu dhow. Booqashadaada waxay fursad u tahay dib u soo nooleynta xiriirkaasi iyo iskaashi cusub oo labada dal dhex mara”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka ayaa sidoo kale isku afgartey in labada dal ay yeeshaan iskaashi dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iskaashi dhinaca waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo lagu barto mihnadaha si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada iyo adeegyo kale oo muhiim ah.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India General Singh ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatey dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada iyo arrimaha bulshada, isagoo dhanka kalena xaqijiyey in India ay diyaar u tahay intii karaankeeda inay caawiso Soomaaliya, si mar kale uu waddanku dib cagahiisa isu taago.

- Advertisement -

Kulanka ayaa waxaa kale oo looga hadley xaaladda dad Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada India, kuwaas oo uu Madaxweynaha codsadey in degdeg wax looga qabto, dowladda India-na ay aqbashey.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee India Mr Vijay Kumar Singh ayaa kulankaasi ku guddoonsiiyey Madaxweynaha warqad casuumaad oo uu ka sidey Ra’iisul Wasaare Narendra Modi, kuna saabsan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeybgalo shir madaxeedka iskaashiga Afrika iyo India oo bisha October ka dhici doona magaalada New Delhi.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

IB0A3311

IB0A3344

IB0A3358

IB0A3383

IB0A3316

IB0A3432

IB0A3418

IB0A3460

IB0A3324

IB0A3443

IB0A3440

IB0A3484

IB0A3474

IB0A3376

IB0A3305

Latest stories