HomeWararDiyaraad Helikoptar oo ay Ciiddanka Kenya leeyihiin oo ku burburtay meel ku...

Diyaraad Helikoptar oo ay Ciiddanka Kenya leeyihiin oo ku burburtay meel ku dhow xuduudka Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa The Hughes MD-500 Defender helicopter ayaa xalay  burburtay, xilli ay ku degi lahayd Garoonka Milliteriga ee  Bar’goni ee Degmadda Lamu. Labadii Duuliye ee la socotay ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo gubasho ah, waxaana la dhigay Isbitaalka. Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku jirtay Duullimaad Sirdoon oo ay waday xuduudka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa The Hughes MD-500 Defender helicopter ayaa xalay  burburtay, xilli ay ku degi lahayd Garoonka Milliteriga ee  Bar’goni ee Degmadda Lamu.

Labadii Duuliye ee la socotay ayaa la sheegay inay soo gaareen dhaawacyo gubasho ah, waxaana la dhigay Isbitaalka.

- Advertisement -

Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku jirtay Duullimaad Sirdoon oo ay waday xuduudka u dhexeeya Kenya iyo Somalia,

mana kala cadda sababaha rasmiga ee ay Diyaaradaasi u burburtay in la soo riday iyo inay cillad farsamo u dhacday.

Inta badan Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ka hawlgala Deegaanka ay Diyaaradda ku socday, waxayna Dagaalamayaasha Alshabaab saqdii dhexe ee xalay hawlgal ka fuliyeen Degmadda Mandera, kuna dileen 11 shaqaale Kenyaan ka xoogsan jirey Kaawadda Dhagaxa.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo ayaa xaqiijiyey shilkaasi iyo inuu olol ka kacay Diyaaradda ka hor intaysan burburin.

Waxa uu intaasi ku daray inay Saldhigga Milliteriga ee Bar’goni ee Degmadda Lamu u adeegsadaan Hawlgalladda ay ka wadaan gudaha dalka Somalia.

Kumanaan ka tirsan Ciiddanka Kenya ayaa  dalka Somalia soo galay bishii October 16-dii  ee sannadkii 2011-kii,  kuwaasi oo  ku biiray Hawlgalka AMISOM.

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts