HomeWararArdayda Somali-Kenyan la la’aa oo la sheegay inay ku biireen Kooxda Daacish...

Ardayda Somali-Kenyan la la’aa oo la sheegay inay ku biireen Kooxda Daacish (IS)

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Boliska Kenya ayaa maanta shaaciyey inay rumeysan yihiin in Arday Somali Kenyan Jaamacadda dhigan jirey oo la la’aa ay ku sugan yihiin dalka Syria, kuna biireen Dagaalamayaasha Dacaish. Mohamoud Ahmed, Mohamed Abdisamad oo Arday ka kala ahaa Jaamacadaha The University of Nairobi iyo Moi University ayaa la waayey bishii April 21-dii ee sannadkan, kadib, markii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Boliska Kenya ayaa maanta shaaciyey inay rumeysan yihiin in Arday Somali Kenyan Jaamacadda dhigan jirey oo la la’aa ay ku sugan yihiin dalka Syria, kuna biireen Dagaalamayaasha Dacaish.

Mohamoud Ahmed, Mohamed Abdisamad oo Arday ka kala ahaa Jaamacadaha The University of Nairobi iyo Moi University ayaa la waayey bishii April 21-dii ee sannadkan, kadib, markii ay dad mukhalisiin ah ku tashkiiliyeen inay ku biiraan Daacish.

- Advertisement -

Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa waxa uu maanta qoray inay Boliska rumeysan yihiin inay 6 arday Somali Kenya ah lagu tuhunsan yahay inay ku biireen Kooxda Daacish.

Boliska waxay kaloo sheegeen in labo gabdho Somali-Kenyan oo dhigan jirtay Jamaacadda ay iyagana ku biireen Daacish.

Gabdhahaasi oo lagu kala magacaabo Salwa Abdalla iyo Towfiiqa Dahir ayaa la sheegay in la waayey, kadib, markii ay Mohamoud Ahmed iyo Mohamed Abdisamad ka ambabaxeen Nairobi.

- Advertisement -

Gabdhahaasi ayaa waxay Arday ka ahaayeen Jamaacadda The University of Nairobi iyo Kenyatta University ee magaalladda Nairobi.

Dhinaca kale, Agaasimaha Xarunta Qaranka Kenya ee La-dagaalanka Argagixisadda, Isaac Ochieng ayaa toddobaadkii hore sheegay in ay ku baraarugeen Tiradda sii kordhayso ee Ardayda Kenyaanka ee ku biirayo Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Dacaish.

Waxa uu carrabka ku dhiftay inay hayaan warar dhinaca Sirdoonka oo sheegayo inay jiraan Arday mushaar ka qaata Alshabaab, wuxuuna ku goodiyey inay soo qaban doonaan Ardaydaasi.

Xigasho: The Standard

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts