HomeWararNin lugta ka dhaawacan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaabkii dagaalka...

Nin lugta ka dhaawacan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaabkii dagaalka la galay Ciiddanka Kenya oo la qabtay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinet ayaa sheegay inay gacanta ku hdigeen Nin la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa Dagaalamayaashii Alshabaab ee ka baxsatay iska horimaadkii ay Axaddii hore ciiddanka Kenya kula galeen duleedka Degmadda Laamu. Taliyaha oo ka hadlay Deegaanka Jangamwe ee Mombasa ayaa sheegay inay ninkaasi  ku qabteen Degmadda Fooy, xilli […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinet ayaa sheegay inay gacanta ku hdigeen Nin la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa Dagaalamayaashii Alshabaab ee ka baxsatay iska horimaadkii ay Axaddii hore ciiddanka Kenya kula galeen duleedka Degmadda Laamu.

Taliyaha oo ka hadlay Deegaanka Jangamwe ee Mombasa ayaa sheegay inay ninkaasi  ku qabteen Degmadda Fooy, xilli uu doonayey in laga dhayo  lug uu ka dhaawacnaa.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inuu ninka dhaawacan u sheegay Baarayaasha Ammaanka inay horey ugu soo dhaawacmay mar uu ku  sugnaa dalka Koonfurta Suudaan.

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, waxa kaloo uu sheegay inay heleen Muuqaal Video oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka duubeen iska horimaadkii ay Axaddii hore la galeen Ciiddanka Kenya, wuxuuna intaasi ku daray inay  ka heli doonaan xogta ku aadan sawiradda Dagaalamayaashii ka qeyb galay iska horimaadkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa soo bandhigay Sawirradda Dagaalamayaal Alshabaab oo ay sheegeen inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii ka dhacay duleedka Laamu.

- Advertisement -

Waxaa sawiradda la baahiyey ka mid ahaa Muwaadin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Ahmed Muller, kaasi oo ay Dowladda Kenya madaxiisa dul-dhigtay abaalmarin dhan 100,000 oo Dollar.

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts