HomeWararNin lugta ka dhaawacan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaabkii dagaalka...

Nin lugta ka dhaawacan oo la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaabkii dagaalka la galay Ciiddanka Kenya oo la qabtay

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinet ayaa sheegay inay gacanta ku hdigeen Nin la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa Dagaalamayaashii Alshabaab ee ka baxsatay iska horimaadkii ay Axaddii hore ciiddanka Kenya kula galeen duleedka Degmadda Laamu.

Taliyaha oo ka hadlay Deegaanka Jangamwe ee Mombasa ayaa sheegay inay ninkaasi  ku qabteen Degmadda Fooy, xilli uu doonayey in laga dhayo  lug uu ka dhaawacnaa.

Waxa uu intaasi ku daray inuu ninka dhaawacan u sheegay Baarayaasha Ammaanka inay horey ugu soo dhaawacmay mar uu ku  sugnaa dalka Koonfurta Suudaan.

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, waxa kaloo uu sheegay inay heleen Muuqaal Video oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka duubeen iska horimaadkii ay Axaddii hore la galeen Ciiddanka Kenya, wuxuuna intaasi ku daray inay  ka heli doonaan xogta ku aadan sawiradda Dagaalamayaashii ka qeyb galay iska horimaadkaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa soo bandhigay Sawirradda Dagaalamayaal Alshabaab oo ay sheegeen inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii ka dhacay duleedka Laamu.

Waxaa sawiradda la baahiyey ka mid ahaa Muwaadin u dhashay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo Ahmed Muller, kaasi oo ay Dowladda Kenya madaxiisa dul-dhigtay abaalmarin dhan 100,000 oo Dollar.

© Warqabadka Radio Dalsan

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories