HomeWararBoliska Masar oo xiray Tahriibayaal Soomaali ku sii jeeday Talyaaniga

Boliska Masar oo xiray Tahriibayaal Soomaali ku sii jeeday Talyaaniga

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar ayaa sheegay inay qabteen Tahriibayaal u kala dhalatay Somalia iyo Sudan, kuwaasi oo doonayey inay u tahriibaan Xeebaha Talyaaniga. Warbaahinta dalkaasi ayaa shegtay in Tahriibayaasha doonayaan inay dooni ka raacaan Xeebta Degmadda Balatiim ee Gobalka Delta Kafar Alsheekh oo 200-Km u jirta magaalladda Qaahira. Dhinaca kale, 47  Tahriibayaal u […]

- Advertisement -

Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar ayaa sheegay inay qabteen Tahriibayaal u kala dhalatay Somalia iyo Sudan, kuwaasi oo doonayey inay u tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

Warbaahinta dalkaasi ayaa shegtay in Tahriibayaasha doonayaan inay dooni ka raacaan Xeebta Degmadda Balatiim ee Gobalka Delta Kafar Alsheekh oo 200-Km u jirta magaalladda Qaahira.

- Advertisement -

Dhinaca kale, 47  Tahriibayaal u dhalatay dalka Sudan ayaa lagu celiyey dalkooda hooyo, kadib, markii lagu qabtay iyagoo isku diyaarinaya inay u tahribaan Xeebaha Talyaaniga.

Wargeyska Yoom Sabca ee ka soo baxa magaalladda Qaahira ayaa qoray in Tahriibayaashaasi la saaray Diyaarad ku sii jeeday caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Toddobaad kasta, Ilaaladda Xeebaha ee dalka Masar waxay qabtaan Tahriibayaal Masaari iyo kuwo u kala dhalatay dalalka Somalia iyo Sudan, kuwaasi oo doonaya inay u tahriibaan Xeebaha Talyaaniga.

- Advertisement -

Maalintii Talaadada ee la soo dhaafay, saddex dhallinyarro Soomaali ah oo doonaysay inay tahriibaan ayaa waxaa la qalibmay gaarigooda.

Saddexdaasi dhallinyarro oo lagu kala magacaabo     Mowliid Xuseen Afrax oo 30-jir ah, Cabdow Maxamed Mustafa oo 19 jir ah iyo C/raxmaan Yuusuf oo 25 jir ah.ayaa la dhigay Isbitaalka Degmadda Aswaan ee dalka Masar.

 

© Warqabadka Radio Dalsan

Latest stories