HomeWararMarkhaati sheegay in loogu hanjabay in surka laga goyn doono

Markhaati sheegay in loogu hanjabay in surka laga goyn doono

Date:

Related stories

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha lala xiriirinayo qaraxyaddii mataanaha ee ay Alshabaab ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala sannadkii 2010-kii  ayaa sheegay in loogu hanjabay in surka laga jari doono, haddii uusan qarxinin bamkii labaad. Idiris Nasubuge oo haatan ahaa Maxbuus lagu xukumay 25-sanno, kadib, markii uu qirtay inuu ku lug lahaa falalkii Is-qarxinta  […]

- Advertisement -

Mid ka mid ah Eedeysanayaasha lala xiriirinayo qaraxyaddii mataanaha ee ay Alshabaab ka geysteen caasimadda dalka Uganda ee Kampala sannadkii 2010-kii  ayaa sheegay in loogu hanjabay in surka laga jari doono, haddii uusan qarxinin bamkii labaad.

Idiris Nasubuge oo haatan ahaa Maxbuus lagu xukumay 25-sanno, kadib, markii uu qirtay inuu ku lug lahaa falalkii Is-qarxinta  ayaa waxa uu haatan markhaati ka yahay dacwadaasi.

- Advertisement -

Waxa uu  hadalkaasi ka hor sheegay Maxkamadda Sare ee Kampala, isagoo tilmaamay in Eedeysanaha lagu magacaabo Ciise Luyima oo ka mid ah 13-ka Eedeysane ee u xiran kiiskaasi  ku cabsi geliyey inuu surka ka goyn doono, haddii uusan qarxin qarixii labaad oo lala beegsaday goob lagu daawanayey Finaalkii Ciyaartii K/cagta ee Koobka Adduunka.

Dhinaca kale, Idiris Nasubuge waxa uu Toddobaadkii hore ka hor sheegay Fadhiga Maxkamadda Sare inuu Eedeysane Ciise Luyima uu gurigiisa keenay Labadii qof ee isku qarxisay magaalladda Kampala sannadkii 2010-kii, oo ay ku geeriyoodeen 67 qof.

Wuxuuna intaasi ku daray inay Is-qarxiyayaasha ku sugnaayeen gurigiisa in ku dhow labo bilood, ka hor intaysan geysanin qaraxyadaasi.

- Advertisement -

Xigasho: Monitor

 

Latest stories