HomeWararFaahfaahin: Kenyaati ka tirsanaa Alshabaab lagu dilay dagaalkii ka dhacay duleedka...

Faahfaahin: Kenyaati ka tirsanaa Alshabaab lagu dilay dagaalkii ka dhacay duleedka Laamu

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Luqmaan Osman Issa oo ah Kenyaan ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee dhawaan ku geeriyooday iska horimaadkii Alshabaab iyo ciiddanka Kenya ku dhex maray duleedka Degmadda Laamu ayaa la sheegay inuu ka soo qalin jebiyey  Jaamacadda Uganda University. Bashiir Osman Issa oo ah Walaalka ka weyn Marxuumka la dilay oo shalay Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Mombasa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Luqmaan Osman Issa oo ah Kenyaan ka tirsanaa Dagaalamayaasha Alshabaab ee dhawaan ku geeriyooday iska horimaadkii Alshabaab iyo ciiddanka Kenya ku dhex maray duleedka Degmadda Laamu ayaa la sheegay inuu ka soo qalin jebiyey  Jaamacadda Uganda University.

Bashiir Osman Issa oo ah Walaalka ka weyn Marxuumka la dilay oo shalay Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Mombasa ayaa sheegay inuu walaalkiisa dhashay sannadkii 1984-kii, kuna biiray Dagaalamayaasha Alshabaab sannadkii 2009-kii.

- Advertisement -

Bashiir Osman Issa waxa kaloo uu sheegay markii uu Luqmaan ku biiray Alshabaab inuu jaray xiriirkii uu la lahaa Familkiisa, kadib, markii ay u sheegeen inuu joojiyo Telefoonadda uu u soo diri jirey Familka, waa sida uu hadalka u yiri.

Mar wax laga weydiiyey heerka waxbarasho ee Luqmaan, waxa uu tilmaamay inuu Waxbarashadiisa  ku soo qaatay Dugsiyadda Abu Hurerya Secondary school iyo  Darul Ulum secondary school ee magaalladda Mombasa.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Luqmaan ka qalin jebiyey Jaamacadda Uganda University sannadkii 2009-kii, kana soo qaatay Shahaadada  Maamulka Ganacsiga (A bachelor in Business Administration).

- Advertisement -

Luqmaan Osmaan Issa oo loo yaqiinay Shirwac iyo Dagaalame kale oo Kenyaati ah, Saciid Cabdalla Xamad oo lagu naanaysi jirey Saciid Xamsa ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadkii ku geeriyooday Iska-horimaadkii  Alshabaab iyo ciiddanka Kenya dhawaan ku dhex maray meel ku dhow Xeradda Milliteri ee Baure ee duleedka Laamu.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts