HomeWararSirdoonka Milliteriga Kenya oo sheegay inay ku raad-joogeen Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab...

Sirdoonka Milliteriga Kenya oo sheegay inay ku raad-joogeen Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo la dilay

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Cadadkii maanta ee Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Sirdoonka Milliteriga Kenya muddo afar bilood ah ilaalo ku hayeen Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan gudaha dalka Kenya. Wargeyska waxa uu qoray inay Sarkaal Kenyaati ah oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab uu hoggaaminayey Dagaalyahannadda Alshabaab ee la rumeysan yahay inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Cadadkii maanta ee Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inay Sirdoonka Milliteriga Kenya muddo afar bilood ah ilaalo ku hayeen Dagaalamayaasha Alshabaab ee ku sugan gudaha dalka Kenya.

Wargeyska waxa uu qoray inay Sarkaal Kenyaati ah oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab uu hoggaaminayey Dagaalyahannadda Alshabaab ee la rumeysan yahay inay ka hawlgalaan gudaha Kenya.

- Advertisement -

Sarkaalkaasi oo la oran jirey Luqmaan Osman Ciise ayaa la sheegay in lagu dilay iska horimaadkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab Axaddii hore la galeen Ciiddan ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa duleedka Degmadda Laamu.

Wararka Sirdoonka Milliteriga Kenya ayaa sheegay  in Luqmaan Osman Ciise oo lagu naanaysi jirey Shirwac uu ahaa Taliyihii horkacayey Dagaalamayaasha Alshabaab ee la sheegay inay bishii Feberaayo ee sannadkan joogeen Dhul-kaymeedka Boni Forest, isla markaana uu hoggaaminayey weerarkii ay Alshabaab bishii June ee sannadkii hore ku qaadeen Degmadda Mpeketoni.

Wargeyska The Star waxa kaloo uu qoray in Dagalaamayaasha Alshabaab ee ku sugan Kaymaha Boni Forest qorsheynayaan inay weeraro ku qaadaan mid ka mid ah Degmooyinka Laamu, Malindi ama Kawale, waa sida uu Wargeysku ka soo xigtay Sirdoonka Milliteriga Kenya.

- Advertisement -

Xigasho: The Star

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts