HomeWararBaarayaal British oo gaaray Nairobi, baarayana maydkii Jihadiste British ka tirsanaa Alshabaab...

Baarayaal British oo gaaray Nairobi, baarayana maydkii Jihadiste British ka tirsanaa Alshabaab oo la dilay

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka

Baraayaal ka socda Waaxda Dembi-baarista Britain iyo Khubaro kale ayaa ku biiray Baarayaasha Kenya ee ku hawlan sidii loo aqoonsan lahaa Jihadiste British oo ka mid ahaa Dagaalamayaal Alshabaab oo lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Laamu.

Baarayaasha waxaa loo gudbiyey muunado dhinaca Faraha iyo Dheecaanka DNA-da oo  laga soo qaaday maydka Jihadistahaasi oo la oran jirey Thomas Evans, balse markii uu muslimay la baxay Cabdul Xakiim.

Marxuumkaasi oo soo islaamay markii uu 19-jirka ahaa ayaa waxa uu Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo biiray sannadkii 2011-kii.

Hooyadiisa oo lagu magacaabo Salli Evans oo 56 jir ah ayaa horey u sheegtay inay doonayso in la soo qabto, lana xiro wiilkeeda, ka hor inta uusan dhimanin isagoo Jihaadiste ah.

Ilo dhinaca Ammaanka ayaa rumeysan in ugu yaraan 50 Muwaadiniin British ah ka barbar dagaalamaan Dagaalamayaasha Alshabaab.

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories