HomeWararIsbahaysiga Mucaaradka Kenya oo ku baaqay in bandowga laga qaado W/bari Kenya

Isbahaysiga Mucaaradka Kenya oo ku baaqay in bandowga laga qaado W/bari Kenya

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Hoggaamiyayaasha Isbahaysiga CORD, oo ay ka mid yihiin Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoko ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabooyinka ay Dowladda Kenya ku go’doominayso dadka ku nool W/bari Kenya. Waxay ku baaqeen in Gobalka Wajeer laga qaado bandowga inta lagu guda-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan. Raila Odinga waxa uu sheegay inaan horumar la xaqiijin karin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hoggaamiyayaasha Isbahaysiga CORD, oo ay ka mid yihiin Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoko ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabooyinka ay Dowladda Kenya ku go’doominayso dadka ku nool W/bari Kenya.

Waxay ku baaqeen in Gobalka Wajeer laga qaado bandowga inta lagu guda-jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

- Advertisement -

Raila Odinga waxa uu sheegay inaan horumar la xaqiijin karin inta uu Bandowgu saaran yahay Goballadaasi, wuxuuna ku baaqay in dadka loo oggolaado inay si xornimo leh u socdaan.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Isbahaysiga CORD, waxay sheegeen in dhismaha derbiga dheer ee xayndaabka ah noqon karin tallaabo wanaagsan oo lagula dagaalami karo Dagaalamayaasha Alshabaab.

Kalonza Musyoka waxa isagana sheegay inay Maxkamadda tegi doonaan haddii ay Dowladda ku fashilanto in la qaado Bandowga, ka hor inta aysan bilanin Bisha Ramadaan.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Gobalka ayaa iyagana sheegay inuu dhismahaasi derbiga 700-km waxyeeli doono Ganacsiga, isla markaana xadgudub ku yahay Dastuurka.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Mucaaradka Kenya waxay booqdeen Degmadda Garissa, oo ay kula kulmeen Guddoomiyaha Gobalkaasi, Ahmed Abdullahi, waxayna khudbaad ka jeediyeen Bannaanbax ka dhacay Barxadda Wajeer Baraza Park.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts