HomeWararGaroonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee Muqdisho oo laga bilaabay duullimaadyadda Habeenimo

Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee Muqdisho oo laga bilaabay duullimaadyadda Habeenimo

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Waxaa xalay suurtogashay in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee magaalladda Muqdisho dib looga bilaabo duullimaadkii ugu horreeyey oo ay Diyaaradaha xilli habeen ah ka hinqadaan Garoonkaasi muddo 25 sannadood kadib.

Boqolaal qof ayaa xalay soo buux-dhaafiyey Garoonka, iyadoo ay Dhoofayaal badan ka ambabaxeen, kuwana ku soo degeen Garoonka.

Shaqaalaha Waaxyaha Garoonka iyo Ciiddanka Ammaanka ayaana la arkayey iyagoo Dhoofayaasha u fududeynaya arrimaha baaritaannadda, hubinta Dukumentiyadda iyo wixii kale ee ay u baahan yihiin.

Mas’uuliyiinta Garoonka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu Garoonku shaqeeyo habeen iyo malin, si Dhoofayaasha loogu fududeeyo inay xilliga ay doonaan ka ambabaxaan, kuna soo degaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

Dhoofayaasha ayaa aad u bogaadiyey tallaabadaasi, waxayna badankooda sheegeen inay jecel yihiin inay xilliyadda habeenkii dhoofaan, si uusan waqti badan kaga khasaari, si ay u gaaraan dalalka ay ku sii jeedeen ama Garoomadda ay Transit-ka ku sii ahaanayaan.

Dhoofayaasha inta badan ka yimaada dalalka Maraykanka, Canada iyo Europe ayaa aad u daneeya Duullimaadyaddii Habeenkii, iyagoo is barbar dhigaya xilliyadda ay dhoofayaan iyo xilliyadda ay ku beegan yihiin Waddamada sy u socdaan.

Nala wadaaga Aragtidiina ku aadan sida aad u aragtaan Duullimaadyadda Habeenimo ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Haddaba, sidee loo arkaa Tallaabadaasi ?  Yaase wanaagsan inay Dhoofayaasha ambabaxaan xilli maalin ah ama xilli habeen ah ?Ma la dhihi karaa waa horumar ama loo baahno xilligan ?

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories