HomeWararObama oo sheegay inay Alshabaab, Boko Haram iyo Alqaacida weli ku xooggan...

Obama oo sheegay inay Alshabaab, Boko Haram iyo Alqaacida weli ku xooggan yihiin Afrika

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Hadal qoraal ah oo uu Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama soo dhigay Websaytka Aqalka Cad ayaa waxa uu ku sheegay inuu kaalmo dhaqaale ugu yaboohayo dalal ka tirsan kuwa Afrika, si ay ugu adeegsadaan arrimaha Ammaanka iyo Nabadsugidda. Waxa uu xusay in Dhaqaalahaasi oo dhan 65 million oo Dollar loo adeegsan doono Qorshaha Ammaanka Dowladeed […]

- Advertisement -

Hadal qoraal ah oo uu Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama soo dhigay Websaytka Aqalka Cad ayaa waxa uu ku sheegay inuu kaalmo dhaqaale ugu yaboohayo dalal ka tirsan kuwa Afrika, si ay ugu adeegsadaan arrimaha Ammaanka iyo Nabadsugidda.

Waxa uu xusay in Dhaqaalahaasi oo dhan 65 million oo Dollar loo adeegsan doono Qorshaha Ammaanka Dowladeed ee shantaasi dal ee kala ah Kenya, Ghana, Mali, Niger, Nigeria iyo Tunisia.

- Advertisement -

Waxa uu hoosta ka xariiqay inay Maraykanka iyo dalalkaasi ka shaqeyn doonaan xaqiijinta ammaanka iyo dhismaha awoodda Hay’addaha, si loo badbaadiyo dadka rayidka, looga hortago cabsida.

Dhinaca kale, Madaxweyne Obama waxa uu tilmaamay inuu Maamulkiisa sii wadi doono inuu Dowladaha Afrika kala shaqeeyo xoojinta ammaanka iyo taageeridda dhinaac ammaanka, si looga hortago Kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Qaaradda Afrika.

“Cabsida Kooxaha Alshabaab, Boko Haram, Alqaacida iyo Kooxda Alqaacidada Maqribka (AQIM) waxay weli ka jirtaa Qaaradda Afrika” ayuu yiri Obama oo intaasi ku daray inay Kooxahaasi weli dhaqdhaqaaqyo iyo saamaynb ku leeyihiin ammaanka guud ee Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu xusay in cabsida ganacsiga Daroogadda, Tahriibinta dadka, hubka iyo duur-joogto taageeraan in lagu maalgeliyo Dembiyadda, Xag-jirnimadda iyo Colaadaha gudaha iyo kuwa Gobalka ee Qaaradda Afrika.

Xigasho:- Agencies
© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories