HomeWararGolaha Ammaanka ee QM oo ka wada hadli doona Warbixinta cusub...

Golaha Ammaanka ee QM oo ka wada hadli doona Warbixinta cusub ee carruurta lagu dhibaateeyo Caalamka

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Warbixin Sannadeed cusub eoo ay QM soo saartay ayaa lagu soo bandhigay Waddamada carruurta loogu adeegsado Askarnimo, isla markaana lagu dhibaateeyo. Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay in Warbixinta lagu soo bandhigay  22 Waddan oo si aad loogu tacadiyo  carruurta. Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA oo heshay nuqul ka mid ah Warbixinta ayaa sheegtay inay […]

- Advertisement -

Warbixin Sannadeed cusub eoo ay QM soo saartay ayaa lagu soo bandhigay Waddamada carruurta loogu adeegsado Askarnimo, isla markaana lagu dhibaateeyo.

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay in Warbixinta lagu soo bandhigay  22 Waddan oo si aad loogu tacadiyo  carruurta.

- Advertisement -

Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA oo heshay nuqul ka mid ah Warbixinta ayaa sheegtay inay tobanaan milyan oo carruur ah ku soo barbaraayaan waddamo ay colaaduhu ragaadiyeen.

Warbixinta ayaa lagu magacaabay 14 waddan oo ka mid ah 22-ka dal ee lagu eedeeyey inay ku tacadiyaan Carruurta, u adeegsadaan Askarnimo, la dilo ama lagula kaco fara-xumeyn.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay inay Kooxaha hubeysan ku dagaalamaan goobaha ay ku yaallaan  Dugsiyadda iyo Isbitaalladda Carruurta.

- Advertisement -

Warbixinta cusub ee QM, waxaa lagu muujiyey 14-ka waddan ee kala ah:- Afganistan, Bartamaha Afrika, Kongadda Dimuqraadiga, Iraq, Mali, Mayanmar, Somalia, Sudan, South Sudan, Syria, Colombia, Nigeria iyo Filibiin.

QM ayaa bishii March ee sannadkii hore bilowday Olole loogu magac daray “Carruurta, maya Askari” oo lagu badbaadinayo carruurta, waxaana ololahaasi lagu taageerayaa sidii looga hortegi lahaa Cauurrta la askareeyo sannadka soo socda.

Ololahaasi waxaa diiradda lagu saaray dalalka Somalia, Labada Sudan, Afganistan, Kongadda dimuqraadiga, Mayanmar iyo Yemen.

Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-moon ayaa la sheegay inuu go’aansaday inaan Liiska lagu darin Tacadiyadda ay Yuhuudda u geystaan carruurta Falastiin.

Dhinaca kale, xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishan 18-da yeelan doona Shir Furan oo looga xaajoonayo Warbixinta looga hadlay Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan.

Xigasho:- REUTERS

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories