HomeWararWaxgarad ku baaqay in Banadir ay Dowlad Goboleed yeelato

Waxgarad ku baaqay in Banadir ay Dowlad Goboleed yeelato

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

                          Kulan ay ka soo qeybgaleen Wasiiru Dowlaha Maaliyadda iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad iyo haween ayaa lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlayey Maamul u sameynta Gobollada harsan. Kulankan oo ay soo abaabuleen Waxgaradka Beelaha Mudulood ayaa ujeedadiisu aheyd sidii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

 

- Advertisement -

 

 

 

- Advertisement -

 

 

 

 

 

 

 

 

Kulan ay ka soo qeybgaleen Wasiiru Dowlaha Maaliyadda iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka, siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad iyo haween ayaa lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlayey Maamul u sameynta Gobollada harsan.

Kulankan oo ay soo abaabuleen Waxgaradka Beelaha Mudulood ayaa ujeedadiisu aheyd sidii bulshada Soomaaliyeed ay door hoggaamineed uga qaadan lahaayeen qorshaha maamul u sameynta Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, iyo sidoo kale sidii Gobolka Banaadir uu u yeelan lahaa Dowlad Goboleed si dadka Soomaaliyeed ee degen caasimada ay u helaan xaquuqda bulshada kale ee gobollada dalka.

Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka Cismaan Daalo, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Eng. Yarisow, iyo Gurey Haji. Wasiiru Dowlaha Maaliyadda ayaa uga mahadceliyey Guddiyada Aqoonyahannada oo in muddo ahba waday dadaalo ay bulshada ku abaabulayeen, waxuuna sheegay in siyaasadda Dowlada Federaalka aya tahay in Dowlad Goboleed loo sameeyo Gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan iyo in maqaamka caasimadda la qeexo oo weliba dadka deegaanka la siiyo door ay aayahooda uga tashanayaan.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Cismaan Daallo ayaa sheegay in guddiyada waxgaradka Mudulood looga baahan yahay inay doorkooda sii lablaabaan oo ay gaaraan dhammaan bulshada deegaanka si loo helo bulsho Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay aayahooda ka tashadaan. Waxuuna ku dhiiri geliyey Guddiga waxgaradka inay sii xoojiyaan doorkooda.

Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Waxgaradka ee in muddo ahba is abaabulayey ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dhammaan beelaha ay khuseyso ay wada gaaraan si loo helo bulsho diyaarsan oo u istaagi karta aayaha deegaankooda. Eng. Yarisow ayaa sheegay in Gobolka Banaadir qorshihiisa la dedejiyo oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed lagala tashto nooca maqaamka Muqdisho uu noqonayo oo ka hor inta aan Dowladda Federaalka loo gudbinin ay waxgaradka degen Muqdisho soo bandhigaan sida ay wax u rabaan si Maamulka Gobolka Banaadir uu door hoggaamineed ka qaato sidii Dowlad Goboleed looga dhigi lahaa Banadir ka dibna loo gudbiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xukuumadda iyo Baarlamaanka. Eng. Yarsiow ayaa sheegay in daraasad ay sameeyeen ay u soo baxday inay jiraan waddamo fara badan oo Federaal ah oo caasimadooda ay leedahay Dowlad Goboleed, isla markaasna ay tahay caasimadii dalka, sida Berlin, Brussles, Abu Dahbi, iyo kuwo kale.

Banadir
Banadir0 Banadir1 Banadir2 Banadir4 Banadir5 Banadir6

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts