HomeWararSanadka Yurub ee Horumarinta Soomaaliya: bilowga taxanahe muuqaalo cusub oo diirada la...

Sanadka Yurub ee Horumarinta Soomaaliya: bilowga taxanahe muuqaalo cusub oo diirada la saarayo taageeradda waaxda ammaanka

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

2015ku waa “ Sanadka Yurub ee Horumarinta” ee Midowga Yurub (#EYD2015). Dhammaadka Himilooyinka Horumarka Qarniga (MDGs), Midowga Yurub waxay doonayaan inay soo bandhigaan natiijooyinka wada-shaqaynta ururka iyo dalalka xubnaha ka ah ay ka gaadheen in ay u noqdaan taageere caalami ah dagaalka ka dhan ka ah saboolnimadda. Muuqaalo taxane ah oo ka kooban 7 ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

2015ku waa “ Sanadka Yurub ee Horumarinta” ee Midowga Yurub (#EYD2015). Dhammaadka Himilooyinka Horumarka Qarniga (MDGs), Midowga Yurub waxay doonayaan inay soo bandhigaan natiijooyinka wada-shaqaynta ururka iyo dalalka xubnaha ka ah ay ka gaadheen in ay u noqdaan taageere caalami ah dagaalka ka dhan ka ah saboolnimadda.

Muuqaalo taxane ah oo ka kooban 7 ayaa la diyaariyay si loo muujiyo guulaha laga gaadhay taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya. Muuqaaladu waxay daboolayaan meelaha muhiimka ah sida Ammaanka, Ganacsiga Xoolaha, Caafimaadka Xoolaha, Waxbarashada, Adkaysiga Bulshada, Maamul Wanaag, Xuquuqda Aadanaha iyo Cadaaladda. Bisha May waxaa la soo bandhigayaa muuqaalka “ Nabadda iyo Ammaanka”. Muuqaalka ugu horeeya wuxuu ku muujinayaa sida uu Midowga Yurub sare ugu qaadayo waaxda ammaanka Soomaaliya iyadoo la raacayo hanaanka isku dhamaystiran ee Midowga Yurub: youtu.be/xLZ_8xKaSYs

- Advertisement -

Midowga Yurub wuxu ka mid yahay taageerayaasha ugu waawayn ee dhisida Ciidanka Qaranka Soomaaliya, Ciidanka Booliiska Soomaliya iyo “Hawlgalka Midowga Afrika ee fududaynta Nabadda” ee Soomaliya (AMISOM). Ururka Midowga Yurub ayaa sidoo kale wuxuu ka jawaabaa caqabadaha ammaanka ee Soomaliya iyada oo loo marayo 3da Hawlgal ee Siyaasada  Ammaanka iyo Difaaca (CSDP).

  • Hawlgalka Tababarka Milatariga (EUTM) si loo taageero Ciidanka Ammaanka Soomaliyeed
  • Ciidanka Badda ee Midowga Yurub  (EU NAVFOR) hawlgalka “Atalanta” si loola dagaalamo Budhcad-badeedka.
  • EUCAP NESTOR horumarinta awooda xagaa badda

6da muuqaal ee kale ee #EYD Soomaaliya waxaa loo sii dayn doonaa bil walba inta ka hadhay sanadka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts