HomeWararUhuru Kenyatti oo ka tacsideyeey Askartii lagu dilay Yumbis iyo Wasiirka Arrimaha...

Uhuru Kenyatti oo ka tacsideyeey Askartii lagu dilay Yumbis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo beeniyey dilkaasi

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Iyadoo ay Dagaalyahannadda Alshabaab xalay labo jeer jidka u galeen Ciiddan ka tirsan Boliska Kenya ayaa waxaa soo baxayo warar is-khilaafsan oo ku aadan khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray iska horimaadkiii ka dhacay Deegaanka Yumbis iyo Tuulladda Faafi. Xarakadda Alshabaab waxay sheegeen inay 25 Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya ku dileen labadaasi hawlgal, inkastoo […]

- Advertisement -

Iyadoo ay Dagaalyahannadda Alshabaab xalay labo jeer jidka u galeen Ciiddan ka tirsan Boliska Kenya ayaa waxaa soo baxayo warar is-khilaafsan oo ku aadan khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray iska horimaadkiii ka dhacay Deegaanka Yumbis iyo Tuulladda Faafi.

Xarakadda Alshabaab waxay sheegeen inay 25 Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya ku dileen labadaasi hawlgal, inkastoo ay Saraakiisha Boliska Kenya tiradda ka dhigayaan wax ka yar 10-Sarkaal.

- Advertisement -

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsideeyey Askarta lagu dilay weerarkii ka dhacay Yumbis.

Madaxweynaha ayaa Tacsidiisa soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ee  @UKenyatta wuxuu ehelladda ay ciiddanka ka geeriyooday la qeybsaday Tiiraanyadooda.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa bartiisa Twitterka ee@InteriorKE  waxa uu soo dhigay hadal uu ku sheegay inay jirin Saraakiil Bolis oo ku geeriyootay weerarkii Alshabaab ee Deegaanka Yumbis.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu sheegay in hal Sarkaal oo ku dhaawacmay weerarkaasi loo soo duuliyey Nairobi si daaweyn dheeraad ah loogu sameeyo.

Hadalka Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa u muuqda mid iska horimanayo, laga yaabee inuu Wasiirku dadayo khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay Deegaanka Yumbi.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories