HomeWararUhuru Kenyatti oo ka tacsideyeey Askartii lagu dilay Yumbis iyo Wasiirka Arrimaha...

Uhuru Kenyatti oo ka tacsideyeey Askartii lagu dilay Yumbis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo beeniyey dilkaasi

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Iyadoo ay Dagaalyahannadda Alshabaab xalay labo jeer jidka u galeen Ciiddan ka tirsan Boliska Kenya ayaa waxaa soo baxayo warar is-khilaafsan oo ku aadan khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray iska horimaadkiii ka dhacay Deegaanka Yumbis iyo Tuulladda Faafi. Xarakadda Alshabaab waxay sheegeen inay 25 Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya ku dileen labadaasi hawlgal, inkastoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay Dagaalyahannadda Alshabaab xalay labo jeer jidka u galeen Ciiddan ka tirsan Boliska Kenya ayaa waxaa soo baxayo warar is-khilaafsan oo ku aadan khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray iska horimaadkiii ka dhacay Deegaanka Yumbis iyo Tuulladda Faafi.

Xarakadda Alshabaab waxay sheegeen inay 25 Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya ku dileen labadaasi hawlgal, inkastoo ay Saraakiisha Boliska Kenya tiradda ka dhigayaan wax ka yar 10-Sarkaal.

- Advertisement -

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ka tacsideeyey Askarta lagu dilay weerarkii ka dhacay Yumbis.

Madaxweynaha ayaa Tacsidiisa soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka ee  @UKenyatta wuxuu ehelladda ay ciiddanka ka geeriyooday la qeybsaday Tiiraanyadooda.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery ayaa bartiisa Twitterka ee@InteriorKE  waxa uu soo dhigay hadal uu ku sheegay inay jirin Saraakiil Bolis oo ku geeriyootay weerarkii Alshabaab ee Deegaanka Yumbis.

- Advertisement -

Wasiirka waxa uu sheegay in hal Sarkaal oo ku dhaawacmay weerarkaasi loo soo duuliyey Nairobi si daaweyn dheeraad ah loogu sameeyo.

Hadalka Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa u muuqda mid iska horimanayo, laga yaabee inuu Wasiirku dadayo khasaaraha ka dhashay weerarkii ka dhacay Deegaanka Yumbi.

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts