HomeWararBoliska Kenya:- “Waa la helay saraakiishii Boliska ee lagu waayey weerarkii Alshabaab...

Boliska Kenya:- “Waa la helay saraakiishii Boliska ee lagu waayey weerarkii Alshabaab ee Deegaanka Yumbis”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Saraakiisha Ammaanka Kenya ee ku sugan Deegaanka Yumbis ayaa sheegay in la helay dhamaan Saraakiishii Boliska ee lagu waayey weerarkii jidgalka ee ay Alshabaab xalay ku weerareen Kolonyo ka tirsan Milliteriga Kenya. Ku-simaha Taliyaha Boliska Garissa, Shadrak Maithya ayaa sheegayinay bad-qabaan Saraakiishii la la’aa, iyadoo labo ka mid ah ay soo gaareen dhaawacyo. Sarkaalkaasi waxa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiisha Ammaanka Kenya ee ku sugan Deegaanka Yumbis ayaa sheegay in la helay dhamaan Saraakiishii Boliska ee lagu waayey weerarkii jidgalka ee ay Alshabaab xalay ku weerareen Kolonyo ka tirsan Milliteriga Kenya.

Ku-simaha Taliyaha Boliska Garissa, Shadrak Maithya ayaa sheegayinay bad-qabaan Saraakiishii la la’aa, iyadoo labo ka mid ah ay soo gaareen dhaawacyo.

- Advertisement -

Sarkaalkaasi waxa uu qiray in shan gaari oo ay Boliska lahaayeen ay Alshabaab ku gubeen hawlgalkii xalay.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya inay Saraakiishii lagu weeraray Deegaanka Yumbis ay dhamaantooda badqabaan.

Iska horimaadkii xalay dhex maray Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Boliska Kenya ayaa waxa ka soo baxayo warar kala duwan, iyadoo ay wararka madaxa bannaan sheegayaan in 25 Sarkaal oo Kenyaati ah lagu dilay labo weerar oo xalay ay Alshabaab ka fuliyeen Deegaanka Yumbi iyo Tuulladda Faafi.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka Garissa, James Kianda ayaa sheegay in shan ka mid ah 30- Askari oo loo diray Deegaanka Yumbis la dhaawacay.

Waxa uu intaasi ku daray inay ciiddanka cagahooda ku baxsadeen, ka hor intaysan Alshabaab gubin saddex gaari oo ay Boliska lahaayeen.

 

© Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts