HomeWararBoliska Kenya:- “Waa la helay saraakiishii Boliska ee lagu waayey weerarkii Alshabaab...

Boliska Kenya:- “Waa la helay saraakiishii Boliska ee lagu waayey weerarkii Alshabaab ee Deegaanka Yumbis”

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Saraakiisha Ammaanka Kenya ee ku sugan Deegaanka Yumbis ayaa sheegay in la helay dhamaan Saraakiishii Boliska ee lagu waayey weerarkii jidgalka ee ay Alshabaab xalay ku weerareen Kolonyo ka tirsan Milliteriga Kenya.

Ku-simaha Taliyaha Boliska Garissa, Shadrak Maithya ayaa sheegayinay bad-qabaan Saraakiishii la la’aa, iyadoo labo ka mid ah ay soo gaareen dhaawacyo.

Sarkaalkaasi waxa uu qiray in shan gaari oo ay Boliska lahaayeen ay Alshabaab ku gubeen hawlgalkii xalay.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya inay Saraakiishii lagu weeraray Deegaanka Yumbis ay dhamaantooda badqabaan.

Iska horimaadkii xalay dhex maray Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Boliska Kenya ayaa waxa ka soo baxayo warar kala duwan, iyadoo ay wararka madaxa bannaan sheegayaan in 25 Sarkaal oo Kenyaati ah lagu dilay labo weerar oo xalay ay Alshabaab ka fuliyeen Deegaanka Yumbi iyo Tuulladda Faafi.

Dhinaca kale, Taliyaha Boliska Gobalka Garissa, James Kianda ayaa sheegay in shan ka mid ah 30- Askari oo loo diray Deegaanka Yumbis la dhaawacay.

Waxa uu intaasi ku daray inay ciiddanka cagahooda ku baxsadeen, ka hor intaysan Alshabaab gubin saddex gaari oo ay Boliska lahaayeen.

 

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories