HomeWararMaasha Allaah:- Faadumo Warsame , gabar ku-dayasho mudan!!!

Maasha Allaah:- Faadumo Warsame , gabar ku-dayasho mudan!!!

Date:

Related stories

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta cusub

Soomaaliya: Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdifitaax Qaasim.

HIQ oo xiray tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo soo gebagebeysay tababarkii shahaadooyinka amniga saaybarka.

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

Maasha Allaah, waxaa aad ii soo jiitay Maqaal lagu qoray Shabakadda Wararka ee  Minnesota Public Radio , oo looga hadlay Gabar Somali ah oo ka qalin jebisay Jaamacadda The University of Minnesota ee dalka Maraykanka.

Waxaan jeclahay inaan idinla wadaago Maqaalkaasi oo aan soo koobay nuxurkiisa.

Maqaalka waxaa cinwaan looga dhigay:- Gabar dhallinyaro oo ay ka go’an tahay inay Qur’aanka u barato Aayad ka Aayad.

Faadumo Warsame oo bishan ka qalin jebisay Jamaacadda The University of Minnesota, oo ay ka qaadatay Digiriiga Luqadda Englishka, ayaa rajaynaysa inay raadsato shaqo Wax-barida ama Macallinimo, ama ay nasasho ka qaadato Dugsiga.

Waxba haatan ma samaynayso. Waxa u qorsheysan inay dabayaaqadda bisha July u dhaqaaqdo safar ay sugaysay muddo sannado ah si ay u samayso.

Waxay doonaysaa inay xafido Aayadaha Qur’aanka Kariimka.

Ma jecla inay Telefoonkeeda (Smartphone) u adeegsato wada-sheekeysiga ama ay wax ku qorto, balse waxay Faadumo Warsame Mobaylkeeda u adeegsataa inay Qur’aanka ka akhrisato ama ka dhegeysato.

“Waa hadafkayga saxa ee hadda inaan Qur’aanka baro waqti buuxa (full time), kadib, markii aan ka qalin jebiyey Jaamacadda” ayey tiri Faadumo Warsame oo ah 21-jir u weyn 8-da carruur ee ay wada dhasheen (Maashaa Allaah).

Faadumo waxay aad u jeceshay inay Qur’aanka akhrisato, waxayna  og tahay inaysan hawl fudud ahayn in Qur’aanka la xafido ama Qalbiga lagu hayo. “Waa wax lala yaabo si loo xafio Kalaamka Rabbi” ayey tiri Faadumo Warsame, oo sannadkii 1994-kii ku dhalatay Xeradda Qaxootiga ee Kenya.

Waxay intaasi ku dartay inay rumeysan tahay in akhriska Qur’aanka yahay- fal cibaadeysi ah.

“Haddii aad runtii jeceshahay Qur’aanka, waad ku qaadan kartaa meel kasta oo aad aadayso. Uma baahnid inaad Kitaabka wadatid waqtiga oo dhan” ayey tiri gabadhaas muxsinadda ah.

Waxay kaloo sii raacisay:- “Dhegeysiga Qur’aanka waxa uu kuugu noqonayaa La-yaab. Xoog noocee ah ayaa kuugu jiidaya, marka aad barato wax kasta oo keli ah” ayey tiri, waxayna sii raacisay “Waa waxaasi, waxaan nafteyda ugu riixayo”.

Shantii sanno ee la soo dhaafay, Faadumo Warsame waxay si waqti kooban ah Qur’aanka uga baran jirtey Machadka Al-jazari Institute ee Xarunta Dhallinyarradda iyo Qoyska ee Al-faauuq oo ku yaalla Bloomington.

Laakiin, haatan waxay doonaysaa inay kaalin sare ka qaadato. Tan iyo bishii March 10-dii, waxay kaalin ka qaadanaysaa Yabooha Ololaha Tabarucaad loogu ururinayo Barnaamijka Qur’aanka ee Xilliga Kulaylaha lagu qabto Machadka Bayyinah Institute oo ku dhow Dallas.

 

FATUMO M.WARSAME

FATUMO M.WARSAME 1

 

Xigasho:- Minnesota Public Radio 

W/Q: Mukhtaar Ibraahim iyo Laura     @mukhtaryare

Waxaa Turjumay:  Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories