HomeWararIndia:- Boqolaal qof oo u geeriyooday hanfida kulaylka qorraxda

India:- Boqolaal qof oo u geeriyooday hanfida kulaylka qorraxda

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

In ka badan 430 qof ayaa la sheegay inay dalka India ugu geeriyoodeen kulayl daran, iyadoo heer kulka gaaray 50 degrees Celsius oo u dhiganta 122 degrees Fahrenheit. Saraakiisha waxay ka digeen inuu sare u kici karo heer-kulka qorraxda oo haatan samaayn ba’an ku haya dadka ku nool Goballadda Telengana iyo Andhra Pradesh. Qeybo badan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

In ka badan 430 qof ayaa la sheegay inay dalka India ugu geeriyoodeen kulayl daran, iyadoo heer kulka gaaray 50 degrees Celsius oo u dhiganta 122 degrees Fahrenheit.

Saraakiisha waxay ka digeen inuu sare u kici karo heer-kulka qorraxda oo haatan samaayn ba’an ku haya dadka ku nool Goballadda Telengana iyo Andhra Pradesh.

- Advertisement -

Qeybo badan oo ka mid ah dalka India, oo ay ku jirto caasimadda New Delhi ayaa waxay dadku maalmahan noqdeen kuwo aad u dhidida, iyadoo Korantaddana marmar la damiyo.

Madaxda Gobalka Andhra Pradesh waxay ku booriyeen Shaqaalaha iyo dadka kale inaysan saacaddo badan ku shaqeynin kulaylka maalintii.

246 qof ayaa toddobaadkii hore kulayl dartiisa ugu geeriyootay Gobalka Andhra Pradesh.

- Advertisement -

Inta badan dadka u geeriyooday kulaylka waxay badankoodu yihiin dadka ay da’doodu tahay 50-sanno iyo wixii ka sarreeyea.

188 kale ayaa iyagana la sheegay inay ku geeriyoodeen Gobalka Telangana, waxaana laga yaabaa inay tiradda ka badan tahay.

Dhimasho kale ayaa laga soo sheegay Gobalka Rajasthan ee W/galbeed ee India, iyadoo u uGobalkaasi yahay dhul lama degaan ah.

Haweeney ayaa la sheegay inay istaagga ka dhacday Degmadda Bundi, kadibna geeriyootay.

Magaalladda Kolkata oo ku taalla Bariga India, Ururka Taksiilayaasha waxay ku booriyeen Dareewalladda inay shaqada joojiyaan inta u dhexeysa 11:00 subaxnimo ilaa 05:00 galabnimo, sababtoo tahay kulaylka daran awgiisa.

kulaylka 1 kulaylka

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts