HomeWararBoliska Kenya oo sheegay inay qabteen nin lala xiriirinayo Alshabaab

Boliska Kenya oo sheegay inay qabteen nin lala xiriirinayo Alshabaab

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay saakyto hawlgal ka fuliyeen magaalladda Mombasa, kuna soo qabteen nin ka tirsan Alshabaab iyo waxyaabaha qarxa. Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Khalid Mohamed ayaa laga soo qabtay Hoygiisa oo ku yaalla Xafadda Bondeni ee magaalladda Mombasa. Hawlgalkaasi oo ay iska kaashadeen Ciiddan ka tirsan Boliska, kuwa gaarka u tababaran […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciiddanka Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay saakyto hawlgal ka fuliyeen magaalladda Mombasa, kuna soo qabteen nin ka tirsan Alshabaab iyo waxyaabaha qarxa.

Ninkaasi oo magaciisa lagu sheegay Khalid Mohamed ayaa laga soo qabtay Hoygiisa oo ku yaalla Xafadda Bondeni ee magaalladda Mombasa.

- Advertisement -

Hawlgalkaasi oo ay iska kaashadeen Ciiddan ka tirsan Boliska, kuwa gaarka u tababaran iyo kuwa loo yaqaano GSU, ayaa waxaa la sheegay inay guriga Khalid Mohamed ka soo heleen bam-gacmeed lagu farsameeyey dalka Raashiya, qaraxyo Balaastik ah iyo qalab miinooyinka lagu qarxiyo, waa sida ay sheegteen.

Waxay kaloo sheegeen inay soo qabteen gaari xamuul oo ay sheegeen in hubka iyo raashinka loogu geyn jirey Dagaalyahanno Alshabaab oo ku sugan Kaymaha Boni Forest.

Taliyaha Boliska Gobalka Mombasa, Robert Kitur ayaa xaqiijiyey in la soo qabtay ninkaasi, wuxuuna sheegay inay hayaan Mobaylo uu leeyahay, oo uu xusay inay u adeegsan doonaan baaritaanadooda.

- Advertisement -

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay inuu Khalid Mohamed xubin ka  yahay Xarakadda Alshabaab, isla markaana uu yahay Dagaalyahan tababar fiican u leh qaraxyadda.

Dhinaca kale, in ka badan 200 qof oo lala xiriirinayo Alshabaab ayaa la sheegay inay ku sugan hdulka hawdka ee u dhexeeya Garissa, Lamu iyo Webiga Tana River.

 

 

 © Warqabadka Dalsan Radio

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts