HomeWararHay’ad Caalami oo sheegtay in uusan Madaxweynaha DFS wada maamulin ciiddanka ...

Hay’ad Caalami oo sheegtay in uusan Madaxweynaha DFS wada maamulin ciiddanka ammaanka.

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Drs. Vanda Felbab Brown oo ka tirsan Hay’adda Brookings Institution ee uu fadhigeedu dhexe ku yaallo magaalladda Washington DC ayaa hadalkaasi ka sheegtay Warbixin ay ka diyaarisay safar ay bishii March ee la soo dhaafay ku timid magaalladda Muqdisho. Sarkaalladda oo khabiir ku ah dhinaca Ammaanka, ayaa hadalkaasi ka sheegtay Kulan ka dhacay Xarunta Dhexe […]

- Advertisement -

Drs. Vanda Felbab Brown oo ka tirsan Hay’adda Brookings Institution ee uu fadhigeedu dhexe ku yaallo magaalladda Washington DC ayaa hadalkaasi ka sheegtay Warbixin ay ka diyaarisay safar ay bishii March ee la soo dhaafay ku timid magaalladda Muqdisho.

Sarkaalladda oo khabiir ku ah dhinaca Ammaanka, ayaa hadalkaasi ka sheegtay Kulan ka dhacay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Brookings Institution oo looga hadlayey La-dagaalanka Argagixisadda iyo Dhismaha Dowladnimo ee Somalia.

- Advertisement -

Waxay tilmaamtay inuu gaabis galay hawlgalka socda ee ay ciiddanka Dowladda Federalka iyo kuwa AMISOM kula jiraan Xarakadda Alshabaab, waxayna hoosta ka xariiqday inay Ganacsiyeynta caqabad ku noqotay Hawlgalkaasi.

Drs. Vanda Felbab Brown waxay kaloo sheegtay inuusan  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wada maamulin Ciiddanka Ammaanka, oo ay ku tilmaamtay inay weli yihiin kuwo beeleed oo hoos taga siyaasiyiinta, waa sida ay hadalka u tiri.

Waxay kaloo ka hadashay dhibaatooyinka haysta Dowladda Dhexe ee Somalia oo ay xustay inay ragaadiyeen musuq, isla markaana aysan Ciiddanka Qaranka helin mushaarkooda.

- Advertisement -

“Ciiddanka Qaranka waxaan la siinin musharakooda, Lacagaha waa la xawishaa, waa kooban yihiin adeegyadooda Sirdoonkooda” ayey tiri Drs. Vanda Felbab Brown oo ka tirsan Hay’adda Brookings Institution.

Waxay intaasi ku dartay inaysan Milliteriga DFS la mid ahayn Ciiddanka AMISOM, isla markaana ay Beelaha yihiin kuwo kuwo maamula ciiddankaasi, xitaa haddii ay dagaal la galayaan Alshabaab, waa sida ay hadalka u tiri.

Waxay kaloo sheegtay inay Ganacsato ku lug leeyihiin Khaarajka Hawlgalladda, ee had iyo jeer sida degdeg ah lagu dhameeyo, waa sida ay hadalka u tiri.

Dhinaca kale, Drs. Vanda Felbab Brown  waxay sheegtay in Ciiddanka AMISOM yihiin kuwo aan lala xisaabtamin, isla markaana aan lahayn Talis Mideysan iyo inay ka gaabiyeen hawlgalladda ka dhanka ah Alshabaab iyo inay ka caga jiidaan inay dabagalaan Dagaalyahannadda Alshabaab.

“ AMISOM waxay rigli ku yihiin fadhiyadooda, waxay degmooyinka qaarkooda maamulaan maalintii, oo habeenkii laguma arko” ayey tiri    , waxayna intaasi ku dartay in AMISOM diidan yihiin dagaal ay la galaan Alshabaab, xitaa iska horimaadyadda yaryar.

Latest stories