HomeWararMadaxweyne Xasan“ Xildhibaan Yusuf Dirir wuxuu ahaa howl-kar ah oo wax badan...

Madaxweyne Xasan“ Xildhibaan Yusuf Dirir wuxuu ahaa howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ilaaheey uga baryay in Xildhibaan Yusuf Dirir oo naxariistii Janno ka waraabiyo. Qoyska marxuumka, eheladiisa iyo Baarlamaanka Soomaaliyana wuxuu u rajeeyay in Ilaah ka siiyo Samir iyo iimaa. Madaxweynaha ayaa yiri “ Xildhibaan Yusuf Dirir Cabdi Allaah ha u naxariisto Jannadii Fardowsana Alle ha ka waraabiyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ilaaheey uga baryay in Xildhibaan Yusuf Dirir oo naxariistii Janno ka waraabiyo. Qoyska marxuumka, eheladiisa iyo Baarlamaanka Soomaaliyana wuxuu u rajeeyay in Ilaah ka siiyo Samir iyo iimaa.

Madaxweynaha ayaa yiri “ Xildhibaan Yusuf Dirir Cabdi Allaah ha u naxariisto Jannadii Fardowsana Alle ha ka waraabiyo Marxuumka, samir iyo iimaan Allaah ha ka siiyo ehaladda, qaraabada, Baarlmaanka iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed“

- Advertisement -

“Xildhibaanku waxa uu ahaa howl-kar oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed isla markaana dowladnimada aad u jecelaa.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha ayaa amar ku siiyey hey’adaha ammaanka ee ku shaqada leh ka hortaga iyo dabal-galka falalka noocaan oo in ay si deg deg ah baaritaan ugu sameeyaan dhagar-qabayaasha fuliyey falkaan.

“Waxaan ku kalsoonahay in ciidamadda ammaanku ay gacanta ku soo dhigi doonaan dhagar-qabayaasha dhuumaaleysanaya ee falkaan fuliyey, waxa ayna wajihi doonaan cadaaladda sidii kuwii la midka ahaa ee gacanta lagu soo dhigay sharcigana la marsiiyey“ ayuu madaxweynaha hadalkiisa ku soo gaba-gabeeyey.

- Advertisement -

Xildhibaan Yusuf Dirir iyo muwaaddin ay wada soceen galabta ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dhammaad.

For more information please contact:
Shador Haji
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so

Latest stories