HomeWararNin Kenyaati ah oo shaaciyey yaradka uu ka bixin doono gabadha Barack...

Nin Kenyaati ah oo shaaciyey yaradka uu ka bixin doono gabadha Barack Obama

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Garyaqaan Kenyaati ah ayaa shaaca ka qaaday inuu Madaxweynaha Maraykanka  ka codsan doono inuu  u guuriyo  gabadhiisa Malia Barack Obama. Garyaqaanka  oo lagu maagacaabo Avvocate  Felix Kiprono  ayaa u sheegay WargeyskaThe Nairobian inuu Madaxweyne  Obama  la kulmi doono marka  uu bisha July booqashada ku yimaado Kenya,  si uu ugu bandhigo qorshaha uu ku doonayo inay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Garyaqaan Kenyaati ah ayaa shaaca ka qaaday inuu Madaxweynaha Maraykanka  ka codsan doono inuu  u guuriyo  gabadhiisa Malia Barack Obama.

Garyaqaanka  oo lagu maagacaabo Avvocate  Felix Kiprono  ayaa u sheegay WargeyskaThe Nairobian inuu Madaxweyne  Obama  la kulmi doono marka  uu bisha July booqashada ku yimaado Kenya,  si uu ugu bandhigo qorshaha uu ku doonayo inay xidid noqdaan.

- Advertisement -

Garyaqaanka  waxa uu tilmaamay inuu yarad  ahaan u bixin doono  50 neef oo lo’ ah, 70  neef oo ido ah iyo 30 neef oo ari ah haddii laga oggolaado inuu guursado  gabadhaasi.

Waxa uu tilmaamay tan iyo markii uu gaclooday Malia Obama sannadkii 2008-dii inuu joojiyey in la haasaawo haweenka kale.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sheegay inay diyaar ula yihiin inay ka taageeraan Kharajka Caruusadda, haddii uu Madaxweyne  Obama ka oggolaado  codsigiisa.

- Advertisement -

Felix Kiprono   waxa uu tilmaamay inuu qorayo Warqadda uu Madaxweyne  Obama kaga codsanayo  inay Lammaane noqdaan gabadhiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inuu warqadiisa  u dhiibi doono Danjiraha Maraykanka u joogo Kenya, kana  rajeynayo inuu u sii gudbin doono Madaxweyne Obama.

Baaqa  Garyaqaankaasi  ayaan ahayn  markii  ugu horreeysay ee ay uu  Saxaafadda ku baahiyo inuu doonayo inuu guursado  mid ka mid ah labada gabdhood ee uu dhalay Madaxweyne Obama.

Sannadkii 2002-dii, nin Kenyaati ah oo lagu magacaabo Godvin Kipkemoi ayaa sheegay inuu diyaar  u yhaay inuu Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Bill Clinton yarad ahaan u siin doono4- neef oo Ari ah iyo 20 neef oo Lo’ ah, si uu u guursado gabadhiisa, Chelsea Clinton

Godwin Kipkemoi, waxa uu qoraal u diray Bill Clinton oo uu u sii marsiiyey Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya, laakiisne wax jawaab ah kama helin.

Sannadkii 2006-dii ayuu Godwin Kipkemoi wxa uu guursaday gabadh ay Kollejka isla dhigan jireen.

Godwin Kipkemoi, uma rumoobin riyadiisa ahayd inuu guursado Chelsea Bill Clinton, wuxuuna geeriyooday sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu maroodi ku durduriyey.

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts