HomeWararDilkii Sheekh Rashiid Wafula oo lagu tuhumayo Jabhadda ADF+Sawirro

Dilkii Sheekh Rashiid Wafula oo lagu tuhumayo Jabhadda ADF+Sawirro

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

 Taliyaha Guud ee Ciiddanka Boliska Uganda, Jeneral Kale Kayihura ayaa loo xil saaray baaritaanka kooxihii ka dambeeyey falkii lagu khaarjiyey Sheekh Rashiid Wafula oo ahaa Imaamka Masjidka Bilaal ee Degmadda Mbale ee dalka Uganda. Marxuumka ayaa la sheegay inay toogteen kooxo aan la aqoonin, xilli uu ku sugnaa albaabka gurigiisa oo ku yaalla Tuulladda Kireka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 Taliyaha Guud ee Ciiddanka Boliska Uganda, Jeneral Kale Kayihura ayaa loo xil saaray baaritaanka kooxihii ka dambeeyey falkii lagu khaarjiyey Sheekh Rashiid Wafula oo ahaa Imaamka Masjidka Bilaal ee Degmadda Mbale ee dalka Uganda.

Marxuumka ayaa la sheegay inay toogteen kooxo aan la aqoonin, xilli uu ku sugnaa albaabka gurigiisa oo ku yaalla Tuulladda Kireka ee DEgmadda Mbale.Sheekh Rashiid Wafula ayaa la sheegay in shan jeer laga toogtay laabta.

- Advertisement -

Talisska Ciiddanka Boliska Uganda waxay toogashadaasi dusha ka saareen Jabhadda Islaamiga ee Isbahaysiga Dimuqraadiga (The Allied democratic Front (ADF) oo ku kacsan Dowladda Uganda.

Hoggaamiyaha Jabhadaasi, Jamiil Mukulu waxaa bilowgii bishan lagu xiray dalka Tanzania, iyadoo ay Dowladda Uganda codsatay in loo soo gacan-geliyo.

Waddanka Uganda oo Muslimiinta looga tiro badan yahay ayaa waxaa horey loogu dilay Mashaa’iq waa weyn.

- Advertisement -

Sheekh Mustafa Bahiga ayaa  sannadkii hore. Lagu dilay Masjidka  Bwebajja Mosque oo ku yaalla waddada Entebbe.

Wax yar ka hor, Sheekh Abdul Muwaya ayaa lagu dilay hoygiisa oo ku yaalla Degmadda Mayuge.

Sannadkii 2012-kii, Hagi Abuubakar Kiweewa iyo Sheekh C/kariim Ssentamu ayaa la toogtay.

Si kastaba ha ahaatee, Boliska Uganda weli gacanta kuma dhigin Dembiilayaasha ugaarsada Mashaa’iqda.

Xigasho:- New Vision

sheekh uganda 3 sheekh Uganda lagu dilay sheekh uganda

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts