HomeWararDilkii Sheekh Rashiid Wafula oo lagu tuhumayo Jabhadda ADF+Sawirro

Dilkii Sheekh Rashiid Wafula oo lagu tuhumayo Jabhadda ADF+Sawirro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

 Taliyaha Guud ee Ciiddanka Boliska Uganda, Jeneral Kale Kayihura ayaa loo xil saaray baaritaanka kooxihii ka dambeeyey falkii lagu khaarjiyey Sheekh Rashiid Wafula oo ahaa Imaamka Masjidka Bilaal ee Degmadda Mbale ee dalka Uganda.

Marxuumka ayaa la sheegay inay toogteen kooxo aan la aqoonin, xilli uu ku sugnaa albaabka gurigiisa oo ku yaalla Tuulladda Kireka ee DEgmadda Mbale.Sheekh Rashiid Wafula ayaa la sheegay in shan jeer laga toogtay laabta.

Talisska Ciiddanka Boliska Uganda waxay toogashadaasi dusha ka saareen Jabhadda Islaamiga ee Isbahaysiga Dimuqraadiga (The Allied democratic Front (ADF) oo ku kacsan Dowladda Uganda.

Hoggaamiyaha Jabhadaasi, Jamiil Mukulu waxaa bilowgii bishan lagu xiray dalka Tanzania, iyadoo ay Dowladda Uganda codsatay in loo soo gacan-geliyo.

Waddanka Uganda oo Muslimiinta looga tiro badan yahay ayaa waxaa horey loogu dilay Mashaa’iq waa weyn.

Sheekh Mustafa Bahiga ayaa  sannadkii hore. Lagu dilay Masjidka  Bwebajja Mosque oo ku yaalla waddada Entebbe.

Wax yar ka hor, Sheekh Abdul Muwaya ayaa lagu dilay hoygiisa oo ku yaalla Degmadda Mayuge.

Sannadkii 2012-kii, Hagi Abuubakar Kiweewa iyo Sheekh C/kariim Ssentamu ayaa la toogtay.

Si kastaba ha ahaatee, Boliska Uganda weli gacanta kuma dhigin Dembiilayaasha ugaarsada Mashaa’iqda.

Xigasho:- New Vision

sheekh uganda 3 sheekh Uganda lagu dilay sheekh uganda

Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories