HomeWararMuwaadin Somali Maraykan u goodiyey Saraakiisha FBI oo la amray in lagu...

Muwaadin Somali Maraykan u goodiyey Saraakiisha FBI oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Mohamed Abukar Saciid ayaa la amray in la sii hayo, kadib, markii shalay la soo taagay Maxkamadda. Ninkaasi ayaa loo haystaa inuu Boggiisa Twitterka ugu hanjabay Saraakiisha Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI, kadib, markii la xiray saaxiibadiisa oo lagu so ooogay inay ku biiri lahaayeen Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Mohamed Abukar Saciid ayaa la amray in la sii hayo, kadib, markii shalay la soo taagay Maxkamadda.

Ninkaasi ayaa loo haystaa inuu Boggiisa Twitterka ugu hanjabay Saraakiisha Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI, kadib, markii la xiray saaxiibadiisa oo lagu so ooogay inay ku biiri lahaayeen Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan dalka Syria.

- Advertisement -

Mohamed Abukar Saciid oo 19-jir ah ayaa waxaa kaloo lagu soo oogay inuu Twitterkiisa ku sheegay inuu dad kale dhaawaci doono.

Garsoore Franklin Noel ayaa amray in la sii hayo Eedeysanaha, oo uu tilmaamay in xogta u kaydsan muujinayso inuu  dembiyo horey u galay markii uu 15-jirka ahaa, kana soo hor muuqan waayey xilliyaddii la maxkamadeyn lahaa.

Khabiir ka tirsan FBI-da oo lagu magacaabo Mathiyo Hamel ayaa shalay Maxkamadda ka hor caddeeyey inuu Eedeysanaha soo dhigay Twitterkiisa cabsi-gelinta FBI-da, markii la xiray saaxiibo ay aad isugu hdow yihiin.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Garyaqaanadda Eedeysanaha oo lagu magacaabo  Kiristoofar Madel ayaa sheegay inuu Mohamed Abukar Saciid yahay Arday xilli buuxa wax barta, isla markaana uu ku shaqeysto Ilaaliye dhinaca ammaanka.

Waxa uu intaasi ku daray inaan cabsi-gelinta loo haynin wax sharci ah.

Eedeysanaha, Mohamed Abukar Saciid waxaa la soo xiray Toddobaadkii hore, maalmo kadib, markii la xiray 6 dhallinyarro Somali Maraykan ku eedeysan inay ku biiri lahaayeen Daacishta ka dagaalanta dalka Syria.

Lixdaasi dhallinyaro ayaa la sheegay inay FBI-da dabagal ku hayeen muddo 10-bilood ah, waxaana FBI-da taageero siiyey  cod uu duubay nin saaxiib la ahaa Eedeysanayaasha, oo mar ku fekeray inu uu ambabaxo Syria, balse, marki idambe go’aansaday inuu FBI-da wararka u geeyo.

Xarigooda waxa uu dareen carro leh ku abuuray Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota, oo ah tan ugu ballaran ee ku nool Maraykanka.

Tan iyo sannadkii 2007-dii, in ka badan 22 dhallinyaro Somali Maraykan ku nool Gobalka Minnesota ayaa u soo ambabaxay dalka Somalia, kuna biiray Xarakadda Alshabaab.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts