HomeWararMuwaadin Somali Maraykan u goodiyey Saraakiisha FBI oo la amray in lagu...

Muwaadin Somali Maraykan u goodiyey Saraakiisha FBI oo la amray in lagu sii hayo Xabsiga.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Digniin culus: Farmaajo oo Mareykanka kula Wadaagay khilaafka doorashada

Farmaajo oo kulan la qaatay diblomaasiyiinta Mareykanka, kuna digay doorasho hal dhinac ah. “Mucaaradku ma aqbali doono,

Somalia Trains First Government Cybersecurity Cohort

The National Communications Authority (NCA) has completed its first...

Muwaadinkaasi oo lagu magacaabo Mohamed Abukar Saciid ayaa la amray in la sii hayo, kadib, markii shalay la soo taagay Maxkamadda.

Ninkaasi ayaa loo haystaa inuu Boggiisa Twitterka ugu hanjabay Saraakiisha Dembi-baarista Federalka Maraykanka ee FBI, kadib, markii la xiray saaxiibadiisa oo lagu so ooogay inay ku biiri lahaayeen Dagaalamayaasha Kooxda Daacish ee ku sugan dalka Syria.

Mohamed Abukar Saciid oo 19-jir ah ayaa waxaa kaloo lagu soo oogay inuu Twitterkiisa ku sheegay inuu dad kale dhaawaci doono.

Garsoore Franklin Noel ayaa amray in la sii hayo Eedeysanaha, oo uu tilmaamay in xogta u kaydsan muujinayso inuu  dembiyo horey u galay markii uu 15-jirka ahaa, kana soo hor muuqan waayey xilliyaddii la maxkamadeyn lahaa.

Khabiir ka tirsan FBI-da oo lagu magacaabo Mathiyo Hamel ayaa shalay Maxkamadda ka hor caddeeyey inuu Eedeysanaha soo dhigay Twitterkiisa cabsi-gelinta FBI-da, markii la xiray saaxiibo ay aad isugu hdow yihiin.

Dhinaca kale, Garyaqaanadda Eedeysanaha oo lagu magacaabo  Kiristoofar Madel ayaa sheegay inuu Mohamed Abukar Saciid yahay Arday xilli buuxa wax barta, isla markaana uu ku shaqeysto Ilaaliye dhinaca ammaanka.

Waxa uu intaasi ku daray inaan cabsi-gelinta loo haynin wax sharci ah.

Eedeysanaha, Mohamed Abukar Saciid waxaa la soo xiray Toddobaadkii hore, maalmo kadib, markii la xiray 6 dhallinyarro Somali Maraykan ku eedeysan inay ku biiri lahaayeen Daacishta ka dagaalanta dalka Syria.

Lixdaasi dhallinyaro ayaa la sheegay inay FBI-da dabagal ku hayeen muddo 10-bilood ah, waxaana FBI-da taageero siiyey  cod uu duubay nin saaxiib la ahaa Eedeysanayaasha, oo mar ku fekeray inu uu ambabaxo Syria, balse, marki idambe go’aansaday inuu FBI-da wararka u geeyo.

Xarigooda waxa uu dareen carro leh ku abuuray Jaalliyadda Soomaalida ku nool Gobalka Minnesota, oo ah tan ugu ballaran ee ku nool Maraykanka.

Tan iyo sannadkii 2007-dii, in ka badan 22 dhallinyaro Somali Maraykan ku nool Gobalka Minnesota ayaa u soo ambabaxay dalka Somalia, kuna biiray Xarakadda Alshabaab.

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories