HomeWararSiyaasi Kenyaati ah oo ku eedeeyey AMISOM inay Alshabaab ka iibiyaan...

Siyaasi Kenyaati ah oo ku eedeeyey AMISOM inay Alshabaab ka iibiyaan hubka ay ku hawlgalaan

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya, Farah Macallim ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin ilaha Alshabaab ku taageera Hubka ay ku dagaalamaan. Isagoo la hadlayey Wargeyska the Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay hayaan warar sheegaya inay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM hub ka iibiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u […]

- Advertisement -

Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee Barlamaanka Kenya, Farah Macallim ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin ilaha Alshabaab ku taageera Hubka ay ku dagaalamaan.

Isagoo la hadlayey Wargeyska the Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay hayaan warar sheegaya inay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM hub ka iibiyaan Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

“Waxaan ka walaacsanahay waa halka Alshabaab hubka ka soo gaaro. Ilaah ayaa mahad leh, ma hayno warar sheegaya inay Alshabaab hubka ka helaan Ciiddanka Kenyaatiga iyo Jabuutiyaanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM” ayuu yiri Faarax .

Siyaasiga Faraax Macallim waxa uu hoosta ka xariiqay inuu aad u saluugsan yahay inay Ciiddanka kale ee AMISOM ee lagu tuhmayo inay Alshabaab u fududeeyaan  hubka ay ku dagaalamaan., wuxuuna ka digay inay arrimahaasi dhantaali karaan dadaalka loogu jiro in nabad laga dhaliyo Gobalka.

Dhinaca kale, waxa uu su’aal ka keenay sababaha aysan Alshabaab u beegsanin dalka Ethiopia, wuxuuna xusay inay dhici karto Taatiko Isfaham oo ay labada dhinac gaareen.

Latest stories