HomeWararShir Looga Hadlayo Xagjirnimada oo Ka Socda Dalka Sacuudiga

Shir Looga Hadlayo Xagjirnimada oo Ka Socda Dalka Sacuudiga

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa Magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, Maanta ka socda shir weyne looga hadlayo arrimaha Xagjirnimda wadamada islaamka, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 700 kun oo qubaro ah oo aqoon u leh arrimaha islaamka iyo la dagalanka waxa loogu yeero argagixisadda. Sheikh Axmed al Tayip oo ah wadaadka ugu wayn jaamacada Al […]

- Advertisement -

Waxaa Magaalada Maka ee dalka Sacuudiga, Maanta ka socda shir weyne looga hadlayo arrimaha Xagjirnimda wadamada islaamka, kaas oo ay ka qeyb galayaan in ka badan 700 kun oo qubaro ah oo aqoon u leh arrimaha islaamka iyo la dagalanka waxa loogu yeero argagixisadda.

Sheikh Axmed al Tayip oo ah wadaadka ugu wayn jaamacada Al Azhar ee Masar, ayaa sheegay in shirka uu yahay mid muhiim ah islamarkaana looga hortago kooxaha sida khaladka ah u micneeya quraanka.

- Advertisement -

Sidoo kale Wuxuu ku baaqay in iskuulaadka iyo jaamacadaha ay dhiirigaliyaan mudnaanta muslimka, ayna cambaareeyaan kooxaha argagixisada ee sida xun u dhaqma.

Shirkan looga hadlayo arrimaha argagixisada ayaa waxaa sanadkan loogu magac daray “ Midnimada Muslimiinta”.

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi,ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in la abuuro ciidamo carbeed oo la dagaalama kooxaha xiriirka la leh Al Qaacida sida Daacish.

- Advertisement -

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ay ka jiraan dagaalada kooxaha xiriirka la leh Al Qaacida ay ka wadaan.

Latest stories