HomeWararMadaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhawaaqay gudi daba gala weerarkii hotel Central+...

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku dhawaaqay gudi daba gala weerarkii hotel Central+ sawiro

Date:

Related stories

Soomaaliya oo taariikhdii ugu horeysay ka qayb gashay shirka ITF

Soomaaliya oo taariikhda ku qortay markii ugu horreysay ka qaybgalka Shirka ITF ee Jarmalka. Agaasimaha Guud Cumar Afrax: “Madasha ayaa na ku casuuntay xubin buuxda.”

Caleemo-saarka Jabuuti: Xasan Sheekh oo xoojiyay xiriirka gobolka

Xasan Sheekh oo ka qayb galay caleemo-saarka Jabuuti Jabuuti, 10...

EU iyo Soomaaliya oo xoojisay iskaashigooda istiraatiijiga

EU iyo Soomaaliya oo adkeeyay iskaashiga istiraatiijiga

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

Koonfur Galbeed oo si weyn u qabatay doorashadii Qof iyo Cod

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

kulankan ayaa waxaa shir gudoominayay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  waxaana looga arrin saday weerarkii   shalay  duhurkii lagu qaaday “Hotel-ka Central” oo ay markaas ku sugnaayeen shacab iyo masuuliyiin salaadda Jimcaha ku tukanayey masaajid ku dhex yaala Hotel-ka.

waxaa ku geeriyooday 25 qof inta la xaqiijiyay oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin, kana mid yihiin 2 Xildhibaan, Guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Banaadir, masuuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Xafiiska R/Wasaaraha. Waxaa sidoo kale weerarka ku dhaawacmay 40 qof oo u badan dhaawac fudud, uu kamid yahay R/Wasaare ku xigeenka, mudane Max’ed Cumar Carte iyo dad kale oo isugu jira shacab iyo masuuliyiin.

Shirka Golaha Wasiirrada laga soo saaray  go’aamadaan :

  1. Cambaareyn weerarkii  ee lala beegsaday shacab iyo mas’uuliyiin dawladda.
  2. U tacsiyeyn Shacabka Soomaaliyeed iyo ehelladii dadkii ku geeriyooday falkaas argagixiso.
  3. Dhisid guddi Wasiirro oo ka kooban, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga howlgalaan taakuleynta dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
  4. Dhisid Guddi Amni oo hormuud ka yihiin, Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhigga, kaasoo baaritaan kusoo sameynaya falkii argagixiso, si loo qaado tallooyinka xiga.

Daawo Sawiradda

 1s 2s 3s 4s 5s 6s 7s 8s 9s 10 s 11 12s 13s

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories