HomeWararMuwaadin Somali Maraykan lala xiriirinayo Daacish oo la maxkamadaynayo

Muwaadin Somali Maraykan lala xiriirinayo Daacish oo la maxkamadaynayo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Sant Paul ee Gobalka Minesotta ee dalka Maraykanka waxaa maanta la soo taagi doonaan afar Somali-Maraykan ka mid ah lix qof oo ay Hay’addaha Ammaanka ku eedeeyeen inay qorsheynayeen inay u safraan dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish. Dhegeysiga Maxkamadda ayaa bilaaban doonta 9-ka  subaxnimo ee Xilliga Maraykanka oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda Federalka ee magaalladda Sant Paul ee Gobalka Minesotta ee dalka Maraykanka waxaa maanta la soo taagi doonaan afar Somali-Maraykan ka mid ah lix qof oo ay Hay’addaha Ammaanka ku eedeeyeen inay qorsheynayeen inay u safraan dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

Dhegeysiga Maxkamadda ayaa bilaaban doonta 9-ka  subaxnimo ee Xilliga Maraykanka oo u dhiganta 5-ta galabnimo ee Xilliga Afrikadda Bari.

- Advertisement -

Dacwad-oogayaasha ayaa la filayaa inay Garsooraha Maxkamadda magaalladda Saint Paul ka codsadaan in Afarta Eedeysane lagu sii hayo Xabsiga.

Dacwad-oogayaasha waxay rumeysan yihiin inay Afarta Eedeysane khatar ugu jiraan inay si qarsoodi ah ugu dhoofaan dalka Syria, laakiin Garyaqaanka difaacayo Eedeysanayaashaasi ayaa beeniyey arrintaasi.

Dhinaca kale,  Labo ka mid ah Lixda Eedeysane oo dhamaantooda asalkooda yahay Somali ayaa iyagana lagu wadaa in berrito la soo taago Maxkmaadda magaalladda San Diyeego.

- Advertisement -

Lixda Somali-Maraykanka lagu soo oogay inay ku biiri lahaayeen Dagaalamayaasha Daacish ayaa waxaa lagu kala magacaabaa:-Mohamed Abdihamid Farah, oo 21- jir ah, Adnan Abdihamid Farah oo  19 jir ah, Abdurahman Yasin Daud oo  21-jir ah, Sakariya  Yusuf Abdurahman oo 19-jir ah, Hanad Mustafe Musse oo 19 jir ah iyo Guled Ali Omar oo  20-jir ah.
Tan iyo sanandkii 2007-dii, in ka badan 22 dhallinyarro Somali Maraykan ah oo deganaa Gobalka Minnesota ayaa u soo ambabaxay Somalia, kuna biiray Xarakadda Alshabaab.

Adnan Abdihamid Farah,Hanad Mustafe Musse,Zacharia Yusuf Abdurahman

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts