HomeCaalamkaMadaxweynihii hore ee Gambia, Yaxye Jaamac oo masaafuris ugu nolaan doona dalka...

Madaxweynihii hore ee Gambia, Yaxye Jaamac oo masaafuris ugu nolaan doona dalka Equatorial Guinea.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia, Yahya Jama ayaa xalay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Banjul, kadib, markii lagu qanciyey inuu si nabad ah uga ambabaxo dalkiisa. Madaxweynaha oo muddo 22-sanno hayey xilka dalkaasi ayaa looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii December 1-dii ee sannadkii hore, balse waxa uu diiday inuu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia, Yahya Jama ayaa xalay ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha ee Banjul, kadib, markii lagu qanciyey inuu si nabad ah uga ambabaxo dalkiisa.

Madaxweynaha oo muddo 22-sanno hayey xilka dalkaasi ayaa looga guuleystay Doorashadii Madaxtinimadda ee dhacday bishii December 1-dii ee sannadkii hore, balse waxa uu diiday inuu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha La-doortay ee dalkaasi, Adama Barrow.

- Advertisement -

 

Dowladaha deriska ee ka tirsan Urur-gobaleedka Galbeedka Afrika (ECAWAS) ayaa ku goodiyey inay Awood Milliteri xilka kaga qaadi doonaan Yaxye Jama, waxaana hanjabaadaasi barbar socday Wada-xaajood Diplomaasiyadeed.

- Advertisement -

Madaxweynaha dalka Guines, Alpha Conde ayaa ku qanciyey Yahya Jama inuu tanaasulo, kadib, markii uu wada-xaajood socday 2 maalmood la lahaa Hoggaamiyihii hore ee Gambia.

Diyaarad yar oo aan wax calaamad lahayn ayuuna Yahya Jama ka raacay Garoonka Banjul, isagoo uu wehliyo Madaxweyne Alpha Conda, waxayna ka degeen Caasimadda dalka Guinea ee Conakry.

Markii uu ka degay Garoonka, waxa uu u sii dhoofay dalka Equatorial Guinea, halkaasi oo masaafuris ahaan ugu nagaan doono,

Inta uusan ka ambabixin dalkiisa hooyo waxa uu ka hadlay Telefishinka Dowladda, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha la doortay inuu sida ugu dhaqsaha badan u yimaado, lana wareego Xilka Madaxweynaha  iyo Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalka Gambia.

©Radio Dalsan

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts