Guddoomiyayaasha Hay’addaha Warbaahinadda Madaxa-bannaan ee SIMHA, SOMA iyo SOWJ waxay maanta si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabteen magaalladda Muqdisho, waxayna cabasho kaga muujiyeen Tallaabooyinka ay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga Gudaha uga meermeerayaam inay Suxufiyiinta u fudueeyaan Kaararka Aqoonsiga Doorashadda, si ay u soo tebiyaan Doorashadda Guddoonka Barlamaanka iyo tan Madaxweynaha ee la filayo inay dhawaan ka dhacaan magaalladda Muqdisho.
Guddoomiyaha Hay’adda Warbaahinadda Madaxa-bannaan ee SIMHA, ahna Agaasimaha Guud ee Radio Dalsan. Xasan Cali Geesey ayaa sheegay in Hab-dhaqanka Labadaasi Wasaaradood ahayn Nidaam la fahmi karo, wuxuuna ugu baaqay in la wada hadlo, lana wadaago Talooyinka sida loo bixin karo Kaararka.
Md. Xasan Cali Geesey waxa kale uu sheegay inay Suxufiyiinta xaq u leeyihiin inay soo tebiyaan Doorashadda iyo inay soo gudbiyaan Natiijooyin lagu kalsoonaan karo.
Sidoo kale, Xoghayaha Hay’adda Warbaahinadda Madaxa-bannaan ee SOMA, Ismaaciil Sheekh Khaliif ayaa isagana ayaan-darro ku tilmaamay tallaabadda ay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga Gudaha ugu diidayaan Suxufiyiinta in la siiyo Kaararka Aqoonsiga.
Waxa uu tilmaamay in Danno Gaar ah laga leeyahay arrintaasi, wuxuuna ka digay in Nidaam Dhabar-ka-taabasho lagu qeybiyo Kaararkaas.
Dhinaca kale, Xoghayaha Hay’adda Warbaahinadda Madaxa-bannaan ee SOMA, Ismaaciil Sheekh Khaliif waxa uu ku baaqay in aan la xagal daacinin Hawlaha ay Suxufiyiinta u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan sidii ay u soo tebin lahaayeen Doorashadda soo socota.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Hay’adda Warbaahinta Madaxa-bannaan ee SWJ, Farxiya Maxamed Kheyre ayaa iyadana xoojisay Baaqa ku aadan in Suxufiyiinta sida ugu dhaqsaha badan loo siiyo Kaararka, maadaama Xilliga Doorashadda foodda nagu soo food hayso.
Waxay kaloo sheegtay in Suxufiyiinta Soomaalida horey si nadiif ah u soo tebiyeen Doorashooyinkii ka dhacay Caasimadaha Maamul-gobaleedyadda Puntland, HirShabelle,Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed.
Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga Gudaha ee XFS ayaa laga filayaa inay Suxufiyiinta u dedejin doonaan Kaararka Aqoonsiga ee Doorashadda, iyadoo Adeegaasi muhiim u yahay si loo tebiyo qaabka ay u dhacayso Doorashada soo socota.
©Radio Dalsan
 Â