HomeWararMaraykanka. Sacuudiga, QM, IGAD iyo GCC oo cambaareeyey qaraxii Dekedda Muqdisho.

Maraykanka. Sacuudiga, QM, IGAD iyo GCC oo cambaareeyey qaraxii Dekedda Muqdisho.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Carabta (GCC), Dr. C/ladiif Bin Rashiid Al-zabani ayaa cambaareeyey Qaraxaasi, kuna tilmaamay Dembi ka fog Qiyamka Akhlaaqda, Aadminimadda iyo Qaanuunka Caalamiga, waa sida uu hadalka u yiri. Waxa uu ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka ah Golaha Khaliijka inay Dowladda Federalka taageero ka siiyaan Hawlaha lagu sugayo Ammaanka, wuxuuna u […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Carabta (GCC), Dr. C/ladiif Bin Rashiid Al-zabani ayaa cambaareeyey Qaraxaasi, kuna tilmaamay Dembi ka fog Qiyamka Akhlaaqda, Aadminimadda iyo Qaanuunka Caalamiga, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu ugu baaqay Dowladaha xubnaha ka ah Golaha Khaliijka inay Dowladda Federalka taageero ka siiyaan Hawlaha lagu sugayo Ammaanka, wuxuuna u tacsideeyey qoysaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qarixii Dekedda Muqdisho.

- Advertisement -

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Sacuudiga ayaa  waxaa Tacsi loogu diray Ehelladda dadkii ay waxyeelladu ka soo gaareen Qaraxaasi.

Sidoo kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Ambassador Michael Keating iyo dhigiisa Ururka Midowga Afrika ee Somalia, Ambassador Francisco Madeira waxay sheegeen inay si kulul u cambaareynayaan Qarixii ka dhacay nawaaxiga Dekedda Muqdisho.

Ambassador Michael Keating waxa u utilmaamay inaysan qaraxyadda noocaasi ah hor istaagi Karin meel-marinta Hannaanka Doorashadda, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

Ambassador Francisco Madeira ayaa isagana tilmaamay inay Ciiddanka Hawlgalka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka ka go’an tahay inay sugaan Amamanka Doorashadda, oo uu xusay inay heer geba-gebo ah  marayso.

Dowladda Maraykanka ayaa cambaaraysay Qaraxii shalay ka dhacay meel ku dhow Dekedda Muqdisho, kuna geeriyoodeen Labaatameeyo qof.

Qoraal uu Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Maraykanka, Ned Price ka soo saaray Aqalka Cad waxa uu sheegay inay ka xun yihiin qaraxyadaasi, isla markaana ay Dowladda Federalka ku garab taagan yihiin Xalladdan Adag ee Xilliga Doorashadda, waa sida u uhadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan Taageeradda ay ka geystaan dadaalka ay Dowladda Somalia iyo dalalka deriska ugu jiraan sidii loo sugi lahaa Nabadda iyo Ammaanka Somalia, waa sida u uhadalka u yiri Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Maraykanka, Ned Price.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts