Dowladda Kenya waxay sanadkii hore go’aansatay  inay Derbi Xayndaab ah ka dhisaan Xuduudka ku dheresan Somalia, si ay uga nabad galaan weerarada qorsheysan ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka fuliyeen gudaha dalkaasi.
Sarreeye Gaas K.T. Chepkuto oo ka tirsan Waaxda Enjineeriyadda ee Ciiddanka Kenya ayaa sheegay inay 30-KM ee Xayndaabkaasi ku dhamaystiri doonaan 4-ta bilood ee soo socota.
Waxa uu intaasi ku daray inay Saraakisiha Milliteriga Kenya si dhow ugala shaqeynayaan Ciiddanka Qaranka Somalia (Somali National Army) sidii hawshaasi loogu samayn lahaa si nabad leh.
“Meesha keliya ee laga yaabo in khilaaf ka yimaado Buula Xaawo, balse Ciiddanka Somalia waxay nagala shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa inuu mashruuca ku socdo si degdeg†ayuu yiri Sarkaalkaasi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Mandera, Ali Roba ayaa sheegay inu Xayndaabkaasi loo samaynayo meel laga soo galo iyo meel laga baxo, si loo sugo Ammaanka.
Waxa uu intaasi ku daray inay doonayaan inay Walaalaha ka imaanayo Somalia ganacsi la sameeyaan dadka ku nool W/bar Kenya, iyagoo soo marayo Waaxda Canshuuraha ee Xuduudka, si loo joojiyo waxyaabaha aan la rabin.
Tallaabadda ay Dowladda Kenya ku gaartay Dhismah Derbiga Xayndaabka ayaala sheegay in la qaatay, kadib, weerarkii ay Dagaalamayaasha Xarakadda Alshabaab ku qaadeen Jamaacadda Garissa ee W/bari Kenya bishii April ee sannadkii hore, laguna dilay 140-qof.
Dagaalamayaasha Alshabaab waxay weeraro joogto ah ka geystaan gudaha dalka Kenya, waxayna sheegeen inay sii wadi doonaan Weeraradaasi tan iyo inta ay Ciiddanka Kenya ku sugan yihiin gudaha Somalia.
Kumanaan Askar Kenyan ah ayaa waxay bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii gudaha u soo galeen Xuduudka Somalia, balse waxay ku fashilmeen Ujeedada Hawlgalkii ay u soo galeen Somalia ee ahaa inay Alshabaab u itaal sheegtaan.
©Radio Dalsan
Â