HomeWararMadaxweyne Museveni oo hal habeen la joogay Ciiddankiisa jooga Somalia

Madaxweyne Museveni oo hal habeen la joogay Ciiddankiisa jooga Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa shalay ka ambabaxay magaalladda Muqdisho, kadib, markii uu Kulan habeen dhax ah la yeeshay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Kulankaasi oo ka dhacay Xeradda Xalane, waxa uu Madaxweyne Museveni waqti la qaatay Ciiddankiisa, isagoo si gaar ah Taliyayaasha Ciiddanka kala hadlay adkeynta Ammaanka. Madaxweyne Museveni waxa uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa shalay ka ambabaxay magaalladda Muqdisho, kadib, markii uu Kulan habeen dhax ah la yeeshay Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Kulankaasi oo ka dhacay Xeradda Xalane, waxa uu Madaxweyne Museveni waqti la qaatay Ciiddankiisa, isagoo si gaar ah Taliyayaasha Ciiddanka kala hadlay adkeynta Ammaanka.

- Advertisement -

Madaxweyne Museveni waxa uu ku bogaadiyey Ciiddankiisa ka jooga Somalia hawsha ay hayaan oo uu ku tilmaamay mid ka turjumaysa Dareenka Wadajirka Afrikaanimadda ee Pan Africaism.

Waxa uu sheegay inay Ciiddanka Uganda tusaale fiican u yihiin Ciiddanka Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalkau dhigay.

Madaxweynaha Uganda waa booqashadiisa Labaad ku yimid magaalladda Muqdisho, wuxuuna ka qeyb galay Shirweynihii 28-aad ee Madaxda Dowladaha ka tirsan Urur-gobaleedka IGAD oo markii ugu horreysay marti gelisay Somalia.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Hadal qoraal oo ay soo saartay Afhayeenadda Ciiddanka Uganda ee Hawlgalka AMISOM,. Kabtan Falafiya Telimulungi ayaa sheegtay inuu Ciiddanka kula dardaarmay inay ka feejignaadaanm arrimaha ku salaysan Diinta, Qabiilka iyo farqiga Jinsiga iyo Qabiilka, taasi oo uu sheegay inay ka mid yihiin dhibaatooyinka waa weyn ee ka jira Qaaradda Afrika.

Uganda waxaa Somalia ka joogta Lix kun oo Askari, oo qeyb ka ah Ciiddamadda ka kala socda dalalka Jabuuti, Kenya, Ethiopia iyo Burundi ee Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM.

Hawlgalkaasi waxaa maalgeliya QM, Maraykanka iyo Midowga Europe.

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts