Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay iyo saakay ay duqeyn ka geysten diyaaradaha dagaalka Kenya goobo ay ku sugan yihiin Al Shabab oo ku dhaw degmada Ceel Waaq ee gobolkasi.
Weli lama ogga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay duqeynta balse waxa la soo sheegaya in dad shacab ah ay waxyeelo ka soo gaartay.
Kenya iyo Al Shabab midna weli kama uusan hadlin wararkan sheegaya duqeynta lala eegtay goobo ay ku sugan yihiin Al Shabab.
Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeeya fariisimaha Al Shabab ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.