HomeWararGalmudug oo ka walaacsan kooxo yar oo carqaladeynaya doorashada sanadkan

Galmudug oo ka walaacsan kooxo yar oo carqaladeynaya doorashada sanadkan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay si aad ah uga wallaacsan tahay soo ifbaxa kooxo yar oo doonaya inay carqaladeeyaan hannaanka doorashada sannadka 2016-ka. Doorashada 2016-ka iyo hannaanka loo marayo intaba waa kuwo ku saleysan dastuurka KMG iyo heshiisyada sharciga ah ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, iyadoo weliba beesha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay si aad ah uga wallaacsan tahay soo ifbaxa kooxo yar oo doonaya inay carqaladeeyaan hannaanka doorashada sannadka 2016-ka.

Doorashada 2016-ka iyo hannaanka loo marayo intaba waa kuwo ku saleysan dastuurka KMG iyo heshiisyada sharciga ah ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira, iyadoo weliba beesha caalamka ay hannaankaasi taageersan tahay.

- Advertisement -

Xulista xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashada ee heer dowlad goboleed, waxaa loo marey dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee sharciga waafaqsan.

Waxaa arin laga xumaado ah in qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku guuldareystey inay iska dhex arkaan liiska guddiga ay bilaabaan hurin colaadeed iyo inay iska hor keenaan bulshada.

Waxaa caado ah in marka la gudagalo nidaam kala guur siyaasadeed, inay soo shaac baxaan xubno qas-wadeyaal ah oo marka ay nidaam sharci ah wax ku waayaan isku daya inay carqaladeeyaan barnaamijyada dowlad dhisidda iyo isbeddelada siyaadeed ee jira.

- Advertisement -

Siyaasadda Dowlad Goboleedka Galmudug waa mid ku dhisan inay u adeegto guud ahaan shacabka gobolladan ku dhaqan, iyadoo aan loo kala eexan, isla markaana waxay dhiirigelineysaa in dhammaan siyaasiyiinta ay waddo sax ah u maraan doonista xilalka siyaasadeed.

Sidaa darted waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya, UNSOM iyo beesha caalamka inay ka warhayaan dhibaatada ay wadaan kooxahan yar ee danahooda ka hormarinaya danta guud.

 

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts