HomeWararKenya oo sheegtay inay Dagaalyahanno Alshabaab ku dileen Jubbooyinka.

Kenya oo sheegtay inay Dagaalyahanno Alshabaab ku dileen Jubbooyinka.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Colonel David Obonyo ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay Alshabaab saqdii dhexe ku soo qaadi lahaayeen xero ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Afmadow ee Gobalka J/hoose. Waxa uu intaasi ku daray inay ugu yaraan 19 ka tirsan Alshabaab ku dileen iska horimaadkaasi, isla markaana ay Alshabaab ka furteen hub fara badan, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Colonel David Obonyo ayaa sheegay inay fashiliyeen weerar ay Alshabaab saqdii dhexe ku soo qaadi lahaayeen xero ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Degmadda Afmadow ee Gobalka J/hoose.

Waxa uu intaasi ku daray inay ugu yaraan 19 ka tirsan Alshabaab ku dileen iska horimaadkaasi, isla markaana ay Alshabaab ka furteen hub fara badan, waa sida uu hadalka u yiri.

- Advertisement -

“Ciiddankeenna oo ilaalo ku jira ayaa arkay Dagaalyahano Alshabaab, kadibna waxaa dhacay iska horimaad oo aan ku dilnay 19 Alshabaab, kuna gubeen gaari Tekniko ah” ayuu Afhayeenka u sheegay Suxufiyiin uu kula hadlay Nairobi.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab ka qabsadeen 10 qoryaha fudud ee AK47 iyo Saddex Baasuuke, mana sheegin khasaaraha Askarta Kenya ka soo gaaray Iska horimaadkaasi oo dhacay Abaarihii 1:00 Habeenimo ee saqdii dhexe ee xalay.

Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu tilmaamay qorshaha Alshabaab inuu ahaa inay Saldhigga Ciiddanka Kenya ka jaraan Xeradda ay ku jiraan Ciiddanka Qaranka Somalia.

- Advertisement -

Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu horreeyey ee Ciiddanka Kenya iyo Alshabaab dhex mara, tan iyo bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan, xilligaasi oo ay Alshabaab ku durduriyeen Ciiddan Kenyan ah oo ku sugnaa Xero ku taallo Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay Ciiddan badan oo Kenyan ah, inkastoo aan weli si rasmi ahaan loo shaacinin tiradda Askarta Kenyanka ee lagu dilay Ceel-cadde.

Alshabaab, waxay horey u sheegtay inay weerarkaasi ku dileen 100-Askari, isla markaana ay kuwo kale gacanta ku dhigeen.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts