HomeWararAlshabaabka ku sii qulqulayo Puntland  oo gaaray Bandar-bayle.

Alshabaabka ku sii qulqulayo Puntland  oo gaaray Bandar-bayle.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ilaa afar dooni oo ay la socdaan Dagaalyahano ka tirsan Alshabaabka taageersan Daacish ayaa waxay baroosin dhigteen Xeebta Degmadda Banadr Bayle ee Gobalka Bari. Ilo ku sugan Bandar Bayle ayaa sheegay inay Boqolaal Alshabaab soo gaareen halkaasi, kuwaasi oo aad u hubaysan, mana kala cadda halka ay ku sii jiheysan yihiin. Dadka deegaanka ayaa dareemay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ilaa afar dooni oo ay la socdaan Dagaalyahano ka tirsan Alshabaabka taageersan Daacish ayaa waxay baroosin dhigteen Xeebta Degmadda Banadr Bayle ee Gobalka Bari.

Ilo ku sugan Bandar Bayle ayaa sheegay inay Boqolaal Alshabaab soo gaareen halkaasi, kuwaasi oo aad u hubaysan, mana kala cadda halka ay ku sii jiheysan yihiin.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa dareemay cabsi, kadib, markii ay arkeen Dagaalyahanadaasi oo si aan cabsi lahayn doonyo ku soo gaaray Xeebta.

Shalay ayey ahayd, markii ay Kalluumeysatadda Degmadda Eyl sheegeen in ay Alshabaab kala wareegeen dhowr dooni, oo ay doonayaan inay Dagaalyahano ku soo daabulaan.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxay Alshabaab ku sii qulqulayeen Deegaano ka tirsan Maamulka Puntland, lamana soo sheegin dad ay jir-dileen ama dileen, inkastoo xilli kasta la filan karo inay xiisado colaadeed qarxaan.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay Isgaarsiinta degmooyinka ay Alshabaab gaareen jareen, si aysan ugu adeegsanin siyaabo kale, balse, Alshabaab ayaa la sheegay inay ku wada xiriiraan Isgaarsiinta Fooneeyaha ee Walk-talk.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts