HomeWararKulan dhex maray Madaxda Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi.

Kulan dhex maray Madaxda Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, C/xakiim C/llaahi  Cumar “Cameey”  iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Puntland waxay xalay Kulan khaas ah la yeesheen Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, oo ay ka wada hadleen Xaalladda Ammaanka ee Puntland iyo Alshabaabka ku qulqulayo qeybo ka tirsan Puntland. Shirkaasi oo ka dhacay Madaxtooyadda Garowe ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, C/xakiim C/llaahi  Cumar “Cameey”  iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Puntland waxay xalay Kulan khaas ah la yeesheen Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud “Faroole”, oo ay ka wada hadleen Xaalladda Ammaanka ee Puntland iyo Alshabaabka ku qulqulayo qeybo ka tirsan Puntland.

Shirkaasi oo ka dhacay Madaxtooyadda Garowe ayaa waxaa la isku dhaafsaday sida uu Maamulku u wajahayo Duullaanka Alshabaab iyo sidii loo adkeyn lahaa Ammaanka Guud ee Puntland.

- Advertisement -

Kulankaasi ayaa waxa uu daba socday Kulan ay Golaha Wasiiradda ee Puntland shalay yeesheen, waxayna Dowladda Federalka ku eedeeyeen inay iyada ka dambeyso Qulqulka Alshabaabka.

Wasiirka Ammaanka Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qarjab” oo Kulankaasi kadib la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay Dowladda Federalka ku colaadinayso Puntland diidmadda ku aadan Nidaamka Awood-qeybsiga Beelaha ee 4.5.

“Dowladda Federalka ayaa la dhihi karaa wey ka dambeeysaa arrintaa, kadib, markii ay Puntland diideen Awood-qeybsiga 4.5 ee aan sharciga ahayn” ayuu yiri Wasiir Qarjab oo tilmaamay inay ka war hayaan inay Alshabaab ka soo gudbeen qeybo ka mid ah Koonfurta Somalia.

- Advertisement -

Si kastaba ha ahaatee, Kulankii  uu C/raxmaan Faroole la yeeshay Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, C/xakiim C/llaahi  Cumar “Cameey” ayaa u muuqday mid si gaar ah looga hadlay Eedeymaha loo jeediyey Dowladda Federalka, iyadoo ay Madaxda istusaaleeyeen inaan Qulqulka Alshabaab loo fasirin inay Dowladda Federalka soo abaabushay.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts