Ayadoo maal mahaan ay  si xowli ah u socdaan kulumo looga arinsanaayo maamul u sameynta gobalada dhexe, Ayaa waxaa shirar isdaba joog ah waxeey ka dhacayaa Caasimadda Soomaaliya iyo waliba qurbaha, Waxaa dhawaan shir ka furmay Caasimadda Gobalka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb shir loogu magac daray shir dib u heshiineyd oo uu ka qeyb galay madaxweynaha D.F Soomaaliya Mudane Xassan Shiekh Maxamuud Asigoona sheegay in 1 Maarso uu shirka wajigiisa 2aad ka furmi doono Degmada Cadaado, Hadaba Maamul usameynta gobalada dhexe yaa wado labadaas gobalne xur mayihiin mase qeybo ka mid ah wali Shabaab baa xukumo.
Deegaanka balaaran ee Mareeg State of Smalia ayaa wali waxaa ka taliyo shabaab sida magaalooyinka kala ah Ceeldheer,, Xaradheere,, Masagawaay,, Galcad ,,BudBud ,,Cali yabaal ,,Cowsweeyne,, Mareeg oo ah dekad,, Cigo oo ah dekad,, tuulo xaaji,, Waniinle,, Bacad Saareey, Maraay Suuleey,, iyo waliba magaaalooyin kale oo badan intaaba waxeey gacanta ugu jiraan kooxaha diidan nabadda Soomaaliya meysan aheyn marka hore in labadaa gobol laga saaro gacanta shabaabka.
Hadeeyse ay dhacdo in la sameeyo maamul loo dhan yahay qaabkee loo qeybsanayaa.
Bariga Galgaduud waxaa dagan dhanka xeebta iyo magaalooyinka xeebta ah Dadka ku abrisada Mareeg State.
 Deegankaa balaaran maka warqbaan sida howsha ay u socoto iyo qaabka loo wado maamulka cusub, Hadal iyo tusaale waxaad leedahay marka aad arinta waxa ka leedahay ama aad ka tahay xumin Muuqato, dulucda hadalka ayaa ah inta wax la qeybsano ogoow cadkaaga adoo cidne ku xadgudbin, Dhismaha maamulka ayaa ah awood qeybsi deegaan, waxa sharaxan madaxweyne waxaa sharaxan Guoomiyaha baarlamaanka waxaa loo olaleynayaa Caasimadii in ay beel walbo hesho waxaa dagaal xoogan loogu jiraa meesha ay noqon doonto Dekadda, hadaba Mareeg State waxeey dhul ahaan dagaan xeebta Galgaduud oo idil ilaa Mudug qeyb ka mid ah hadba waxaa is weydiin mudan yaa matalaya Mareeg State.
Waxaa sanandkii 1960 kii allaha u naxariistee abwaan Jimcaale dhagataag ugu hiiliyay ineey ceeldheer noqoto degmo Gabayadii guubaabada ahaa waxaa ka mid ahaa gabaygaan.
Nimanaa qasnado buuxsadoo qalad wax loo siiyay.
Nimanaa qaboowsada hilbaha qadada maalmeede.
Anagana waxaan soo qornaba waa la qariyaaye.
Nalamana qal qaalshoo qar baa nalaga xooraaye.
Qoodhiin ya xeradiin maxaa qadiyay Ceel-dheer.
Mase qolo qolayntii horaad qiran tihiin waaga.
Oo axdigaan wada qaadanaa nala qiyaamaayay.
 Dowladii xiligaa jirtay ceeldheer waxeey aqoonsatay degmo, Hadaba maanta oo aan joogo 2015Maxaa dib u celiyay Deegaanka Mareeg , Ayadoo ay ka soo jeedaan Siyaasiin caan ah Ganacsto Aqoonyahano aad looga yaqaan gayiga Soomaaliyeed, Hadaba xureynta dhulkaa iyo hormainta deegaankaa yaa lga sugayaa Xili ay socdaan dadaalada Maamul u sameynta gobaladda dhexe, Waxeey Soomaalidu ku maah maadaa (ninkii seexdaa sicii dibi dhalay), inta ay howshu qabyo tahay ayaa hadalku furan yahay ka qeyb qaado maamul usameynta Gobaladda dhexe.
Mareeg waxa ka soo jeedo dad u soo halgamay Soomaalinimada Maantane waxeey leeyihin dad umadda ku dhaxleh magac iyo maqaam.
Hadalka waxaa ku soo gaba gabeynayaa dadkii hore ee ka soo jeeday deegaanka waxeey u soo hooyeen sumcad iyo magac dadkaa waxa ka mid ahaaÂ
allaha u naxariistee Gen Daa’uud Cabdulle Xirsi
llaha u naxariistee Cusmaan Geedi Raage
llaha u naxariistee Gen. Xuseen Kulmiye
Allaha u naxariistee Garyaqaan Prof. Ismaaciil Jimcaale Cosoble
llaha u naxariistee Gen. Salaad Gabeyre Kadiye
llaha u naxariistee Gen Abuukar Suulaleey
llaha u naxariistee Gen. Isaaq Idiiw
allaha raajiyo cimrigiisa Gen. Maxamaed maxamuud Guuleed
iyo qaarkoloo badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin.
Maaamulka gobalada dhexe waxaa loo dadajinaayo waxaa ka mid ah in ay beel walbo marka hore hesho kuraastaan 1 Caasimadda. 2 Madaxweynaha Dekadda intaa ayaa ah ujeedka shirka marka inta jecel ineey dadkooda wax u qabtaan waa ineey cadka deegaankaa balaaran ee mareeg State markasto ha hormariyaan danahooda qaaska ah Wabillaahi Towfiiq